Fardowso Sheekh Cabdiraxmaan oo ah madaxda riwaayadaha iyo soosaare ka tirsan BBC media Action oo ka qaybgashay doodda, ayaa ka hadashay in gabdhaha qaarkood aysan u diyaarsanayn samaynta sheekooyinka. Halkan ka dhegeyso Fardowso oo faahfaahin ka bixinaysa dhibaatooyinka haysta gabdhaha.
MWN
Gabdhaha weriyayaasha ah maxaa ka hortaagan soo tebinta sheeekooyinka COVID19-ka
Inta badan weriyayaasha tebiya sheekooyinka la xiriira Caronavirus-ka waxaa u badan rag. haween badan ayaa ka shaqeeya warbaahinta haddana kama dhex muuqdaan. Haddaba sababtu waa maxay? waxaa ka hadlaysa Faadumo Macallin Abuukar oo in ka badan 10 sano ka shaqaaynaysay warbaahinta. Faadumo oo ka qaybgashay dood ay qabatay Media Women Network, toddobaadkan ayaa faahfaahin ka bixinaysa caqabadaha jira. Haddaba halkan hoose ka dhegeyso.
Toddobadkan waxaan qabanay dood ku saabsanayd sidee la isugu dheelitiri karaa codadka labka iyo dheddigga ee sheekoyinka la xiriira COVID19-ka. Doodda waxaa ka qaybgalay Niciimo Muuse Cilmi oo ah xoghayaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP, Faadumo Macallin Abuukar oo leh khibrad warbaahineed oo k abadna 10 sano, Fardawso Sheekh Cabdiraxmaan oo ah madaxa sheekooyinka iyo saasaare ka tirsan BBC media Action iyo Dr Siciido Maxamuud Xasan oo bare kulliyadda caafimaadka ak ah jaamacadda Daaha ee magaalada Muqdishu. Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa Naciimo Muuse Cilimi oo si guud uga hadlaysa sababaha keenaya in codadka haweenka ay aad ugu yaryihiin sheekooyinka COVID19-ka iyo guud ahaan warbaahinta. Halkan ka dhegeyso si aad xog badan u hogaato.
Guulihii ka dhashay tababarradii Media Women Network 2019, ee magalaada Baydhaba
Kaltuun Musafe Nuur oo tan 2017-2020 ka shaqaynaysa warbaahinta ayaa 17-ki bishan June 2020, loo magacaabay in ay noqoto madax barnaamijyada ee TV Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxay ka mid ahayd 12 gabdhood oo bishii November ee sanadkii 2019-ki ka qaybgalay tababar ku saabsanaa maamulka iyo hogaaminta ee warbaahinta, kaasii oo qayb ka ahaa awood siinta dumarka ku jira warbaahinta. Tababarkan ayaa ka mid ahaa afar tababar oo ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Garoowe iyo Hargeysa oo ay qabatay Media Women Network, waxaana maagaliyey hay’adaha IM-FOJO.
Kaltuun oo wareysi siisay Media Women Network, magacaabidda jagadan kaddib ayay sheegtay in tababarka uu wax badan ka caawiyey. Shukri Bidhaan ayaa qaaday wereysiga wuxuuna u dhacay sida tan.
S. Bal noo sharax booska lagu magacaabay?
J. Waxaa la ii magacaabay in aan noqdo madax barnaamijyada ee TV-ka Koonfur Galbeed, Waliba in aan maamulo barnaamijyada toddobaadlayaasha ah, in aan dabagal ku sameeyo oo aan ogaado wakhtigooda inay diyaar yihiin, mawduucyada looga hadlayo iyo in aan u kala diro dhammaan soo saarayaasha.
S. Maxaa kuu suurtagaliyay?
J. Marki aan qaatay tababarki Media Women Netowrk 2019, waxaan isbadal ku sameeyay shaqadayda oo waxaan billaabay in aan shaqo dheeri ah iyo dedaal la imaado, iyo firfircoonaan, qaar ka mid ah asxaabtaydana waa i dhiiri galiyeen.
S. Ma noo sheegi kartaa waxyaabaha uu sida gaarka ah kaaga caawiyey tababarka?
J. Horta tababarka wuxuu ku saabsanaa sidii dumarka ay uga mid noqon lahaayeen maamulka iy hogaaminta warbaahinta, sidaa darteed waxaa nala baray in aan isku kalsoonaanno, in aan amino in aan qaban karo boos maamulka ah, bal horta in aan aamino in aan xil qaban karo, waayo wixii aad aaminto ayaad samayn kartaa.
S. Marki hore maamulka iyo hogaaminta maxaad ka aminsanayd?
J. Waxaan ka aaminsanaa in uu wax adag yahay oo u baahan shaqo badan laakiin tababarka kadib waxaan ogaaday in ay tahay kalsooni iyo kartida aad leedahay. Waxaa kaloo jiray in dhaqan ahaan aan dhiirigalin jirin oo nalaku oran jiray dumar miyaa wax maamuli kara, gabar ayaa tahay maxaad qaban kartaa.
S. Sidee ugu dhiiratay in aad qabato maxaadse isleedahay wuu badali karaa?
J. Inta badan dumarka warbaahinta ee Koonfur Galbeed ku nool kuma jiraan maamulka, oo go’aan kuma leh way ka shaqeeyaan oo kaliya, waxaan isleeyahay tani waa tillaabo horay aan u qaadnay, waxaan rajeynayaa in aan noqdo in gabdhuhu igu deydaan oo ay maamulaan warbaahin.
S. Haweenka kale ee warbaahinta ku jira maxad u sheegaysaa?
J. Waxaan u sheegayaa inay horta isku kalsoonaadaan nafsadooda, inay is dhiirigaliyaan nafsadooda oo aysan cid kale sugin, Waxaan kaloo leeyahay in ay is abaal mariyaan oo aysan qof kale ka sugin abaal marin. Midda kale mumihiimka ah ayaa ah inay ka dhabeeyaan shaqada warbaahinta oo aysan ka noqon in la dhoho weriye ayaa tahay laakiin ay hadaf leeyihiin.
S. Ma jiraan caqabado aad la kulan tahay intii aad ku jirtay warbaahinta?
J. Marki hore warbaahinta waxaan rabay in aan ku soo biro sanadki 2015-ki balse waalidkayga dartiis ayay u suurtagali wayday, waayo waxay warbaahinta ayay khalad ka aaminsanayaan, wakhti bay igi qaadatay in aan ku qanciyo shaqadan inay tahay shaqo wanaagsan oo qof kasta oo uu ka shaqayn karo, waxaa kaloo jirta meelaha aan ka soo shaqeeyey in aan kala kulmi jiray aniga oo shaqo fiican qabtay in la idhaho maxaad qaban kartaa dumar baa tahay way iska badan yihiin caqabadaha haysta haweenka.
THE CHALLENGES SOMALI JOURNALISTS ARE FACING THAT MAY EXPOSE THEM TO CONTRACTING COVID19
Somali journalists face unprecedented danger to report the corona virus ( COVID19) cases & all the issues surrounding it.
The fact that Corona is spreading more quickly across the country, the journalists are in danger to get the virus as they continue to execute their normal daily routine.
The corona virus cases in the country are now at 2755 plus, 88 deaths and 751 recovered. This tells us that we should all be careful and observe the rules to protect ourselves from the virus.
According to Mr. Abdirahman Mohamed Haji a Somali humanitarian journalist living in Garowe and also one the producers of Radio Ergo Station headquartered in Nairobi, Kenya told us that “the journalists run their work as usual, everyday tasks during this COVID19. But all of those journalists happen not to have the corona virus protection kits like masks, gloves, hand sanitizer and many others in the course of executing their tasks. More worse, they also share the equipment they use to report information like the Camera and other radio equipment. They also happen to use the same vehicle to travel to where they get their reports. Whereby, they don’t seem to keep distance from each other.”
Furthermore, according to an anonymous person that didn’t want the name to be mentioned because of security reasons told us that, “I do my work daily as usual during this COVID19 and nothing has changed. When am talking to people I talked to them without any distance as usual because I make a video content so it’s hard for me not to meet the person face to face.”
However, there are no confirmed cases of corona virus that had happened to the journalists but this doesn’t make it any less dangerous.
According to Ms. Nafisa Xirsi Ogle, Media Women Network communication conveys a concern about the situation of the Somali journalists who are working on this hard time without all the necessary equipment they need to protect themselves from contracting Covid19.
Ms. Nafisa Xersi Ogle also indicates that “the station they work at should provide the necessary protection equipment to their employees to make their work easier and more safe amidst this Covid19. They can do online content that would be enable the journalists to do their work without going around and putting themselves in danger & expose the virus to themselves and their families. The safety of their health should be the first priority of their employers.”
In addition to the above, in Somalia there exist profound level of community stigma. Hence when people in most communities especially local community get the Covid19, due to community stigma and discrimination, he or she may not disclose to the community and journalists can’t know if even journalists have had the virus. Hence, this exposes journalists to contracting Covid19 easily in Somalia.
According to Ms. Nimco Muse Elmi, Secretary of Media Association of Puntland told us that, “the journalists need support to protect themselves from Covid19, we have given them some equipment to prevent them from getting exposed to CARONA.” She further stated that, “In Puntland State of Somalia journalists got support from International Media support (IMS). My organization had an online meeting with the head of the TV and radio stations across the county, we have reminded them that they need to follow the health experts guidelines on preventing CARONA, also should make sure that most of the reporters work from home and those who go out should be able to use their required equipment to protect themselves from contracting Covid19.
According to recent assessment conducted, it shows that Somalia has one of the cheapest internet systems which makes it hard for them to purchase those essential equipment for the journalists. Therefore, SOMA network, a unified 30 radio stations are in urgent rush to provide the essential protection services for the journalists to protect themselves from Covid19.
According to Mr. Mohamed Abdiwahab, secretary of SOMA told us that “the reporting of COVID19 cases by Journalists in Somalia are very low compared to the ones we get direct information from the Health Ministry of the Federal Republic of Somalia.
He also mentioned that all the station that are under his network had a meeting and they talked about how they could minimize sending the reporters outside and how they can rather work from home and also how they can provide the essential services to the ones that go outside to gather information. However, there are challenges like low financial that makes it hard for the Media Stations to provide such equipment to their reporters to protect themselves from contracting COVID19. “The CARNIVOROUS has affected us generally and economically. However, up to now there is no any journalist working with SOMA network that have had or contracting COROANAVIRUS.”
Somali journalists face numerous challenges in as far as executing their tasks with maximum protection from disease are concerned. These challenges encompass lack of equipment to protect themselves from COVID19, community stigma which makes people to conceal CAROANVIRUS cases & limited finance to enable them to execute their work well with complete adherence to health experts guidelines on preventing Covid19.
Hence, Media Organizations in Somalia need to support the journalists by providing to them the necessary equipment and finance to protect the journalists from contracting and to enable them to execute their tasks well in as far as reporting Covid19 cases and other issues surrounding Covid19 are concerned.
Cudurka Caronavirus-ka oo ku faafaya gudaha dalka ayaa waxaa muuqata in weriyayaasha ay halis ugu jiraan in cudurkan uu ku dhoco. Qaar badan oo ka mid ah weriyayaasha ayaa wali si caadi ah u wata shaqooyinkooda maalinlaha.
Kiisaska cudurka ee wadanka laga helay ayaa kor u dhaafaya 2,755, tirada dhimashadu waxay maraysaa 88 halka 751 qofna ay ka bogsadeen.?
Sidaa darteed waxaa muhiim ah in qof kasta uu sameeyo taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga caafmaadkiisa.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji oo ku sugan magaalada Garoowe oo ah weriye ka shaqeeya barnaamijyada arrimaha bani’aadamnimada ahna soo saare ka tirsan idaacadda Ergo oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, Media Womne Network u sheegay in xaaladda weriyayaasha qaarkood ee COVID19-ka tebiya ama wararka kaleba ay si caadi ah u dhaqamayaan.
“ Ma haystaan qalabka ka hortagga sida afxirka, galoofiska, waxay wadaagaan qalabka ay isticmaalaan sida caamirada, rikoorada, waxay wada raacaan hal gawaari, oo kama muuqan kala fogaanshaha, waxay wali isticmaalayaan habki hore oo ah inay hal meel wada tuurtaan” Sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan.
Marka la eego arrimahaas oo dhan waxay muujinaysaa sida ay ugu nugul yihiin in cudurku haleelo.
Cabdinuur Faarax maaha magiciisa runta ah, waxaan u qarinay arrimo la xiriira ammaanka shaqadiisa, wuxuu ka shaqeeyaa mid ka mid TV-yada gudaha dalka ku yaalla, waxaa uu sheegay in sidii caadiga ahayd uu wali shaqadiisa uu wato oo aysan waxba iska badallin.
“ Dadka aan xogta ka rabo waan u tagaa oo fool ka fool baan u soo wareystaa, waayo waa muuqaal waxaan u baahanay, sidaa darteed waxaan ku qasabanay in aan la kulmo qofka aan warka ka rabo, xal kale ma hayo oo aan kaas ahayn”
In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn in ay jiraan weriyayaal uu ku dhacay cudurka, haddana markasta halistiisa ayaa jirta maadaama uu ku faaafayo gobollada dalka.
Nafiso Xirsi Oogle oo Media Women Network u qaabilsan dhanka xiriirrka ayaa sheegtay in ay aad uga welwelsan tahay xaaladda weriyayaasha ay ku shaqaynayaan xilligan adag. Waxay tilmaantay in xarumaha ay ka shaqeeyaan weriyayaasha looga baahan yahay inay caawiyaan oo ay u sahlan waxyaabo suurtagalin kara in shaqada ay socoto weriyahuna uu badqabo.
“Waxay samayn karaan in lagu caawiyo in qaab online ah ay u soo shaqeeyaan weriyayaasha si loo yareeyo weriyayaasha badan ee xarumaha imaanaya iyo kuwa badan ee aadaya meelaha ay wararka iyo xogaha kale ka doontaan, waan oganahay in caqabado jiraan laakiin waxaa ka muhiimsan caafimaadka qofka”
Sido kale Nafiso ayaa intaas ku dartay
“Waxaa jira dhibaatooyin guud ahaan bulshada haysta oo ah in qofku uu qarsado cudurka asaga oo ka baqaya in lagu takooro sidaa darteed way adag tahay in la ogaado weriye uu ku dhacay xanuunka”
Naciimo Muuse Dallaf oo ah xoghayaha ururka Media Association of Puntland ayaa sheegtay in weriyayaasha ay u baahan yihiin in la taageero. Waxay tilmaantay in si loo ilaaliyo caafimaadka weriyayaasha ay u qaybiyeen qalabka ka horta cudurka COVID19-ka guud haan weriyayaasha ka howlaha xarumaha kala duwan ee warbaahinta Puntland ayaga oo taageero dhaqaale ka helay hay’dda International Media Support (IMS).
“ Waxaan kulamo dhanka aaladda zoomka ah la qaadannay mas’uuliyiinta idaacadaha iyo TV-yada, waxaanu kala hadlanay inay racaan talooyinka caafimaad, ayna samayeen inay shaqaalaha qaarkood ay ka soo shaqeeyaan guryaha, kuwa banaanka u aada wararkana ay helaan qalabaka”
Qiimayn dhawaan la sameeyey ayaa sheegaysay in Soomaaliya ay tahay wadan adeegsiisa internet-ka uu aad u jaban yahay, balse waxaa meesha ku jirta awoodda dhaqaale ee xarumaha warbaahinta ay qalab ugu iibin karaan weriyayaasha u shaqeeya.
Shabakadda SOMA oo ay ku mideysan soddon idaacadood ayaa dadaallo u gashay sidii ay weiyayaasha u heli lahaayeen qalabka loo isticaalo ka hortagga COVID19-ka. Maxamed Cabdiwahaab oo ah hoghayaha SOMA ayaa sheegay in ay aad u yartahay xogaha laga helo COVID19-ka marka laga reebo shirka ja’aaid ee wasaaradda caafimaadka.
Wuxuu tilmaamay in idaacadaha xubnaha ka ha Shabakadda ay la qaateen kulamo ah in ay kala yareeyaan shaqaalaha imaanaya xafiisyada, in haddii ay suurtagal tahay laga soo shaqeeyo guryaha, in weriyayaasha ay helaan qalabka ka hortagga COVID19-ka.
“Caqabado way jiraan, sida dhaqaalaha oo yar oo waxyaabo badan aysan awooddin xarumaha idaacadaha, maadama dhaqaalaha guud uu saamayn ku yeeshay cudurka”
Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in ilaa hadda uusan jirin weriye ka shaqeeya idaacadaha xubnaha ka ah SOMA oo u ku dhacay cudurka.
Sorrowful! As Media Women Network-Somalia, we would like to convey our heartfelt condolences to Tikhala Chibwana’s Family as we mourn together with the rest of the people in the world about his sudden & tragic dead that occurred yesterday. Mr.
Tikhala Chibwana was Africa Director WAN-IFRA Women in News Programme, Malawi.
He was a real cornerstone of human rights promotion and protection in relation to Gender Equality with a meritorious aims to be peer-led & collaborative in helping to create an environment that promotes gender equality in newsrooms and management structures.
In a nutshell, he was the senior pioneer & champion of gender equality promotion in the Media sector in Africa. He died but his legacy will never die. May his soul rest in eternal peace. (Media Women Network, Somalia)
As the COVID19 Pandemic continue spreading across the world and affecting people’s life as well as our economy, education and traveling. We should bear in our minds that this pandemic is a new disease and health experts don’t have insightful & deep information about it, so it is causing confusion in the world at the moment to the extent where organisation like WHO is saying that it may become embedded in the society like HIV which is endemic.
Historically, the CORONAVIRUS started from China in December last year 2019 & has so far killed thousands and thousands of people and infected millions of people across the world. Somalia as a country confirmed its first case on the 16 of March 2020 according Somalia Health Ministry report.
Now as a Journalist under Media Women Network, I know that media is an important source for reporting the issues surrounding COVID19 for people in the society to obtain enough and authentic information. However, journalists in Somalia at the moment are facing serious challenges like limited or shallow knowledge about information gathering about COVID19 lack of sound understanding on the best way of reporting information about COVID19 in the society.
Hence as Media Women Network we thought wisely that journalists in Somalia at the moment need to acquire imperative information regarding skills and knowledge on better news reporting about COVID19 in a country like Somalia and on how to produce good stories about COVID19.
For these, Media Women Network headed by Hamdi Hassan Yusuf as a Chairperson, she proposed that there must be crucial tips in place for Somali journalists to adhere to in obtaining and reporting information about COVID19 for them to report actual information and to cover exquisite stories about COVID19.
“The tips will further also help the journalists to be creative enough with sound skills and knowledge that will enable them to overcome the challenges they encounter on daily basis on gathering and reporting information about COVID19. since COVID19 is new, unique and complicated in nature and it attacked people without the world knowing and getting prepared for it and people are responding to it wrongly based on their culture, religion and nationality whereby some people up to now they don’t believe it to be real and dangerous. All these created a lot of confusions and suspicions on COVID19”. That is why Somalia is currently one of the worst affected country in Eastern Africa.
According to Somalia Health Minister, Dr. Fowzia Abikar who gives daily update on COVID19 on Television for the people to be aware of the magnitude of the spread of COVID19 in Somalia; on the 16th of May she reported that the total number of COVID19 cases in Somalia is 1357 Cases, 55 Deaths and only 148 recovered. Hence, since COVID19 is spreading so rapidly in Somalia, it is monumental in this critical time for the journalists in Somalia to acquire some essential advice or tips on covering good stories about COVID19 and best reporting strategies to help in providing the local population with the best knowledge about COVID19 and the best ways to control its spread.
Here are the best tips journalists should consider for better reporting and sharing of information about COVID19 as it is their earnest duty to report and participate in raising awareness about COVID19 Pandemic awareness, these tips encompass the following:
1. Journalists should try to understand what COVID19 is, by doing research on COVID so as to get more and more information about the Pandemic. Then it will be easier for them to report real facts about COVID19.
2.Journalists should try to review their information before releasing it to the public to avoid misinforming the public and to make the public not to view their information with contempt.
3. Journalists should be accurate in reporting by reporting actual figures without manipulation of figures that may put members of the public in panic as they know that increasing numbersof deaths and affected people for personal reasons is unprofessional.
4. Journalists should make sure that the structure of their stories about COVID19 should be understandable, balanced and well organised for easy understanding by the audience in the society.
5. Journalists should always provide the right sources of suspected cases they do report for easy tracing by the concern authorities in Somalia.
6. Furthermore, journalists should have a good and close relationship with health experts, for them to acquire more and accurate information about COVID19.
7. Journalists should produce story or report beyond the update from Health Minister, like addressing the challenges facing peoole in fighting COVID19, the impact of COVID19 on the population and economy as well bringing information about the suspected cases which are unreported in the society.
8. They should make sure that all their stories about COVID19 should include crucial awareness massages about COVID19 like preventive measures and the dangers of COVID19.
9. Journalists should try in all earnest execute daily dissimination of information about COVID19 to help health workers and other officials on the battle front fighting COVID19 to defeat COVID19 within an offing and their information will reach all communities in Somalia.
10. They should avoid metioning direct name of a person who is affected or died of COVID19 without obtaining his or her permission or permission from concerned authority to do so, since it is unprofessional and can create discrimination in the society.
Sagal Beeldeeq: Waan jeclaa maamulka laakiin ma haysan dhiirigalin iyo dumar aan ku daydo
Sagal Beeldeeq Axmed oo ka mid ah gabdhaha ugu firfircoon ee ka shaqeeya warbaahinta Soomaaliland ayaa 28 bishi march 2020, uu mulkiilaha iyo madaxa TV-ga Horn Cable u magacaabay inay noqoto madaxa barnaamijyada ee TV-ga ee magaalada Hargeysa.
Sagal Beeldeeq Ahmed ayaa ka mid ahayd gabdho sanadihi 2018-2019-ki ka qayb galay tababarro taxane ahaa oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen gabdho loo tababaray inay awood siin ku sameeyaan gabdhaha kale ee ku jira warbaahinta si ay uga qayb noqdaan maamulka iyo hogaaminta xarumaha warbaahinta ee Soomaaliland. Sagal ayaa dhankeeda aad ugu faraxsan in loo magacaabo jagadan oo ay ku heshay dedaal samaysay tababarradi ay qaadatay kadib oo wax ka badalay.
IMS iyo FOJO ayaa 20 gabdhood u tababray maamulka iyo hogaaminta 2016-2018, oo kala socday Soomaliya iyo Soomaaliland. Sagal oo wareysi siisay Media Women Network ayaa ugu horreeyn waydiinay .
MWN. Muxuu yahay booskan laguu magacaabay?
Sagal. Waxaan madax ka ahay guud ahaan barnaamijyada ka baxaya TV-ga, waxaan maamulaa in ka badan 20 barnaamij oo laga soo kala diyaariyo meelo kala duwan, waajibkayga wuxuu yahay in aan hubiyo tayadooda, waxaan sidoo kale mas’uul ka ahayd guud ahaan wax ka baxa Horn Cable TV.
MWN. Dadka aad maamusho ma rag bay u badan yihiin mise dumar?
Sagal. Sida la wada ogyahay dadka ugu badan ee warbaahinta ka shaqeeya waa rag sidaa darteed 80% waa rag dadka aan hadda kala hago.
MWN. Sidee u kala hagtaa?
Sagal. Waxaan sameeyaa jadwal oo aan diyaariyaa kaasi oo ay ku caddahay qof kasta iyo waxa uu qabanayo, xilliga uu shaqada soo galayo iyo xilliga laga doonayo in uu barnaamijkiisa diyaar yahay aniga oo intaa aan uga harayn ee kula xisaabtamaya.
MWN. Go’aannada ka warran ma adiga ayaa qaataa mise waa lagula wadaagaa?
Sagal. Go’aanka booskan aniga ayaa u madaxbanaan laakiin mararka qaar waan kala tashdaa cidda aan ku tuhmayo inay wax igu kordhin karto khibrad ahaan.
MWN. Ma noo sheegi karta haddii aad la kulanto caqabado?
Sagal. Dumar ahaan shaqadan waxaa leedahay caqabado badan oo ay ka mid tahay in shaqadaadu aanay kalsooni galinayn bulshadii iyo xaruntaadii warbaahineed oo aan aaminsanayn awoodda gabadha taasi oo sabab u noqon karta in aad waydo wax aad qaban karto.
MWN. Maxaad is leedahay way kuu suurta galisay in aad hesho booskan?
Sagal. Lix sano oo aan ka shaqaynayey warbaahinta ma jirin kalooni fiican oo aan is oran karay waxbaad maamuli kartaa laakiin waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo tababarro ku saabsan maamulka iyo hogaaminta warbaahinti sanadihi 2018-2019-kii, kuwaas oo wax weyn iga badalay, waxaan billaabay in marka kulamada TV-ga la isugu yimaaddo in aan ka hadlo in gabdhaha lagu sooo daro maamulka iyo in aan ka doodo kulan kasta.
MWN. Ma xusi kartaa meelaha aad isleedahay tababarrada way kaa caawiyeen?
Sagal. Haa horta waayo kalsooni nafsiyan ah ayaa nalaku abuuray, waxaa aad noo caawiyay macalimiinta tababarka bixinayay oo dumar ahaa oo aad noogu soo bandhigay in aan awoodi karno in aan mamaulka qabanno balse wax kaliya ee aan u baahannay ay tahay in aan kalsooni, dhiiranaan, hadalno oo miisaska aan doodo ka furno, wada xaajood samaynno oo aan wax raadsanno.
MWN. Marki hore maxaad ka aaminsanayd maamulka?
Sagal. Waan jeclaa in aan maamule noqdo laakiin waan ka cabsan jiray waayo maamulkaygu markasta rag ayuu ahaa, ayada oo ay goobta joogaan hablo leh khibrad,aqoon, karti, kuwaas oo ay mamaulaan rag laga yaabo inay ka hooseeyaan aqoon ahaan iyo xirfad ahaan, taasi ayaa cabsi igu abaaraysay laakiin tababarkaasi waxa uu isiiyay kalsooni buuxda.
WMN. Ma adiga ayaa raadsay booska mise maamulka ayaa kula soo doontay?
Sagal. Maamulka ayaa ila soo doontay marki uu arkay in aan hadlayo oo aan la xisaabtamayo inay dumar ku soo daraan maamulka, inti aan waday dedaalka marna ma oran aniga boos halla ii dhiibo laakiin waxaan si guud ugu dooday in aan la mid noqonno ragga.
Waradasagal Axmed Rooble oo ka mid ahayd 20 gabdhood oo ka faa’ideystay tababarro taxane ahaa oo ay bixinayeen hay’adaha IMS- FOJO, oo dumarka lagu barayey sidii ay ugu biiri lahaanyeen maamulka iyo hogaaminta warbaahinta ayaa sidoo kale kadib noqotay 7 gabdhood oo loo tababray in ay noqdaan tababarayaal si ay u dhiiri galiyaan dumarka kale ee ka shaqeeya warbaahinta. Warda oo leh khibrad warbaahineed oo 10 sano ayaa sheegtay in Sagal beeldeeq ay ka mid ahayd gabdhi ugu firfircoonaa oo ay ku tababareen magaalada Hargaysa balse u baahnayd awood siin iyo dhiiri galin.
MWN. Tababarda aad qabteen maxay ahaaeen?
Wardasagal. Si gud waxay ku saabsanayeen maamulka iyo hogaaminta warbaahinta, waxaan baranayay sida ay hadaf u dejisan lahaayeen, isku kalsoonaanta nafta, illeen haddii aysan kasooni jirin qofku horay uma socon karo, sinaanta shaqada ee labka iyo dhedigga, inay xaq u leeyihiin inay la mid noqdaan labka, sida jagooyinka, mushaaraadka, dalacsiinta, inay hadlaan si waxay ay rabaan u soo dhacsadaan axqooda iyo inay sameeyaan wada xaajood dhanka kasta ah.
Warda ayaa sidoo kale sheegtay in waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ka ogaadeen gabdhaha ay ahayd maamulidda wakhtiga kaasi sal u ah hormarka qof kasta.
#Happy WorldPress Freedom Day! World Press Freedom Day popularly known as World Press Day is one of the calendar events planned, organised and promoted by the United Nations, is observed annually on May 3. Freedom of the press is significant for keeping people informed. A free press monitors the administration and forces them to work for the betterment of a country like Somalia. As Thomas Jefferson once said “The press is the only tocsin of a nation. When it is completely silenced… all means of a general effort are taken away.” The press acts as a medium of communication between the government and the people. The free press has a huge responsibility of reporting the truth and shaping people’s opinions. Hence, to mark the importance of the press, World Press Freedom Day is celebrated every year. The theme of World Press Freedom Day for this year 2020 is, “Journalism without Fear or Favour.”