Caronavirus oo adduunka ku sii faafaya ayaa saamayn kala duwan ku yeeshay nolasha aadamiga sida caafimaadka, dhaqaalaha,waxabarashada iyo guud ahaan isu socodka bulshada caalamka.
Cudurkan oo ah mid cusub oo aan xog badan laga ahayn ayaa keenay in siyaabo kala duwan loo tebiyo.
Muddo afar bil ah oo sii faafayo cudurkan ayaa waxaa u dhintay dad badan walina u jiifa. Soomaaliya ayaa kiiskii ugu horreeyay laga helay 16-ki bishii Maaj sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka.
Warbaahinta oo ah isha ugu awoodda badan ee xogta gaarsiin karta bulshada ayaa la kulmaya caqabado ku saabsan aqoonta cudurkan, fahamkiisa iyo sida ay u tebin karaan weriyayaasha. Sidaa darteed weriyayaasha waxay u baahan yihiin inay helaan talooyin ay raaci karaan marka ay samaynaynayaa sheekooyinka iyo wararka la xiriira xanuunkan COVID19.
Xamdi Xasan Yuusuf oo ah gudoomiyaha Media Women Network ayaa sheegtay in xogaha laga helayo ay yartahay COVID19. Waxay tilmaantay in weriyayaasha iyo warbaahinta laga doonayo inay la yimaadaan hal-abuurimo dheeraad ah maadaama aysan jirin tababarro deg deg ah oo la bixin karo.
“Xanuunkaan ayaa lagu kala duwan yahay helidda xogaha iyo warbixiinnada la xiriira, sababtoo ah waxa uu ku cusub yahay dunida, mana jirin u diyaar garow, taasi waxaa ka dhashay in bulshooyinka ay qaabab kale gedisan uga falceliyaan sida diinta, dhaqanka, dano dhaqale iyo kuwa aaminsan in uusan jirin, waxaas oo dhan waxay abuureen in la xakamayn waayo.”
Haddaba Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ayaa ka mid ah dalalka uu ku faafayo COVID19 ee beriga Africa. Wasaaradda caafimaadka oo si joogta u siisa warbixin maalinha shacbka ayaa sheegtay in la hayo 116 kiis oo Caronavirus ah. Dhimashada ayaa hadda ah 6 kiis halka laba qofna ay ka bogsadeen.
Sidaas darteed Media Women Network, waxay lagama maarmaan u aragtay in la helo tallooyin ay raaci karaan weriyayaasha xilliyada ay tabinayaan sheekooyinka la xiriira COVID19-ka.
Gudoomiye Xamdi, ayaa tiri “ Weriyaha iyo warbaahinta waxaa saaran waajib ah inay xog waafi ah u gudbiyaan shacabka, wakhtiga hadda la joogo, waxaana dhihi karaa in loo baahan yahay gurmad warbaahineed oo u badan wacyi galin iyo fahan dheeri inay la yimaadaan weriyayaasha”
Fadlan raac talooyinkan
1.Horta faham guud ka qaado COVID19 waxa uu yahay, samee baaritaan badan oo la xiriira in aad hesho xogo badan oo ku saabsan xanuunkan faafa si aad u tebiso adigoo ka haysta fikir fiican oo kugu filan. Tusaale in uusan lahayn daawo balse uu leeyahay ka hortag iyo kaalmaati oo kaliya.
2. Mar kasta ku dedaal in aad xaqiijiso xogta ama warka aad rabto in aad u gudbiso dhegeystayaashaada, daawadayaashada iyo akhristayaashaada, maadaama cudurku uu yahay mid faafaya dad badanna ay cabsi ka qabaan, isku dheelitir xogta aad u gudbinayso.
3. Wararka ku saabsan korarka kiisaska iyo dhimashada marwalba hubin dheeri ah ku samee si aad xog buuxda uga hesho kadibna aad u tabiso, ogow in aad la hadlayso dad ay ku yartahay aqoonta iyo fahamka ka haystaan COVID19.
4. Sheekooyinka la xiriirah karoonaha isku day in aad u dhisto qaab ay fahmi karaan dadka ku dhegeysanaya ama ku daawanaya si ay uga qaataan cabbir iyo faham dheeri ah ayna u noqoto tillaabooyin ay kaga gaashaaman karaan.
5. Haddii ay jiraan kiisas laga shakisan yahay sida dhimashada ama korarka ee kiisaska la helayo isku day in aad xusto inay yihiin shaki adiga oo soo xiganaya cidda sheegtay sida wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradaha caafimaadka ee maamul goboleedyada iyo gudiyada ka shaqaynaya arrinkan.
6. Xiriir dhow oo wada shaqayneed la samayso bahda caafimaadka, ayadoo ay ujeedadu tahay in aad ka ogaato waxyaalaha cusub ee la xiriira caafimaadka guud, gaar ahaanna Karoona Fayrus oo xilligan Soomaalidu u qabto baahi weyn in ay hesho wararkiisa si dadku ay u noqdaan kuwo ka feejignaada khatarta.
7. Isku day in aad soo saarto sheekooyin kala duwan oo ku saabsan karoona fayraska oo ka baxsan inta guud ee la wada ogyahay ee xogaha wasaaradda caafimaad. Balse bushada iyo saamynta uu ku yeeshay ee dhaqaale ahaan,dhaqdhaqaaqa iyo xayiraadaha wadanka gudihiisa iyo dibadiisa,adigoo oo mar walba maanka ku haya caqabadaha kaa hor-imaan kara.
8. Sheeko walba oo aad samanyaso ha noqoto mid xambaarsan farriin,tani waxay qayb lixaad leh ka qaadan kartaa ka hortagga cudurkan si uusan bulshada dhexdeeda ugu sii faafin.
9. Haddii aad awooddo same barnaamij ama farriin maalinle ah, tani waxay ka caawinaysaa in aad gudbiso xog waagsan oo wax tar u leh dalka iyo dadka.
10. Markaad samaynayso sheekooyinka marnaba ha xusin magacayada iyo meesha ay ku nool yihiin dad uu cudurku hayo ama ka bogsaday adigoon ogolaansho ka haysan qofka aad wareysanayso, waayo waxay keeni kartaa in la faquuqo.