Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay dood ku saabsan maalinta xog helidda adduunka oo ku beegan 28-Sepbtember-2022.
Dooddan oo ay soo qaban qaabisay shabakadda SOMA oo ay ku midanysan yihiin idaacadaha dalka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socday ururrada warbaahinta, madaxda xarumaha warbaahinta, weriyayaal iyo ururrada bulshada rayidka ah. Dooddan ayaa inteeda badan looga hadalayey muhiimadda ay leedahay xog helista weriyayaasha iyo sida lagu heli karo xal waara.
Sucaad Cabdicasiis oo ah madaxa xirriirka ee Media Women Network, oo ka qaybgashay doodda ayaa ka hadashay caqabadaha haysta weriyayaasha, waxayna sheegtay in weriyayaasha qaarkood aysan lahayn xirfad ku filan oo ay u adeegsan karaan xogta ay u baahan yihiin halka xarumaha warbaahinta ee ay ka shaqeeyaan xoogga saaraan oo kaliya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale.
“Warbaahinta ayaa xogta u aragta tan dowladda oo kaliya balse way ka ballaaran tahay oo waxaa laga warrami karaa waxbarashada, caafimaadka, dastuurka iyo guud ahaan arrimaha kale ee dadku u baahan yahay”, ayay tiri Sucaad”.
Gebogabada doodda ayaa xalka loo arkay inay tahay in mulkiilayaasha iyo maamulayaasha xarumaha warbaahinta ay tababbaro siiyaan weriyayaasha u shaqaya oo saxafi kasta loo la abaaro meesha uu ku fiican yahay.