Warbaahinta oo wajahaysa cadaadis sii kordhaya

Muqdisho, 3-da May 2025 – Iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur siyaasadeed ayaa (MWN) waxay  ka walaacsan tahay xaaladda amniga iyo badqabka weriyeyaasha iyo cadaadiska sii xoogeysanaya ay la kulmaan xarumaha warbaahinta qaarkood.

Maalintan oo ku beegan Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee sanadkan, waxaa hal ku dhig looga dhigay: “Saameynta Togan ee Garaadka Macmalka (AI) ku leeyahay Xorriyadda Warbaahinta.” Hal ku dhiggan wuxuu muujinayaa doorka isbeddelka leh ee teknoolojiyadda casriga ah ee garaadka macmalka ah uu ku yeelanayo warbaahinta guud ahaan dunida. Si kastaba ha ahaatee, sanadkan 2025, weriyeyaasha Soomaaliya qaarkood waxay wajahaan xaalado amni oo aan la filayn, taasoo haddii ay sii socoto khatar ku noqon karta shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan dadka iyo dalka.

Tacaddiyada Dhacay

Tan iyo bilowgii sanadkan 2025, waxaa dhacay in ka badan 20 kiis oo isugu jiray:

•          Xarig sharci darro ah.

•          Hanjabaado joogto ah.

•          Shaqo joojin aan sabab loo sheegin.

•          Jirdil loo geystay suxufiyiinta.

•          Weerarro lagu qaaday idaacadaha madax-bannaan.

Tacaddiyadan badankood ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale Puntland iyo Soomaaliland ay jiraan kiisaska qaar. Arrintani waxay muujinaysaa in bil walba ay dhacayaan tacaddiyo lagu hayo weriyeyaasha, taasoo si weyn u khatar gelinaysa xurriyadda warbaahinta iyo badqabka suxufiyiinta.

Taariikhda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa la bilaabay sanadkii 1993, iyadoo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay maalin lagu xuso muhiimadda xorriyadda hadalka, laguna dhiirrigeliyo difaaca xuquuqda suxufiyiinta caalamka oo dhan. Maalintan ayaa sidoo kale fursad u ah in lagu xuso isbeddelada ku dhaca warbaahinta adduunka, iyadoo laga shaqeynayo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda weriyeyaasha iyo warbaahinta guud ahaan.

Shabakadda Haweenka Warbaahinta (MWN) waxay ugu baaqaysaa:

1.        Dowladda Federaalka iyo hay’adaha amniga in ay ixtiraamaan xorriyadda warbaahinta, joojiyaan caburinta suxufiyiinta, isla markaana damaanad qaadaan badqabka iyo xorriyadda muwaadiniinta u shaqeeya saxaafadda.

2.        Bulshada rayidka iyo ururrada warbaahinta in ay kor u qaadaan taageerada iyo ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, si loo helo bulsho xog ogaal ah oo xor u ah helitaanka warar hufan.

MWN waxay u aragtaa in ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta ay tahay mid muhiim u ah dhismaha bulsho dimuqraadiyad leh oo xog ogaal ah.

Related posts

Haween weriyeyaal ah qaatay Tababbar Ku Saabsan Badqabka Dhijitalka

Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed