Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Jannaayo 3, 2025, Muqdisho, Munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska JFS, ururrada warbaahinta, Golaha Saxafadda Qaranka, weriyeyaal iyo ururrada bulshada rayidka ayaa lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay hoggaanka Media Women Network, Fowsiya Cumar Barre iyo agaasimaha fulinta marwo Shamso Sheekh Cabdiraxmaan.

Doorasho ku dhacday habka fogaan aragga ah oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha Media Women Network ayaa si rasmi ah loogu doortay Fowsiya Cumar in ay noqoto hogaanka mudda xileedka soo socda, iyada oo u magacaawday xilka agaasimaha fulinta ee Shabakadda MWN Marwo Shamso Sheekh Cabdiraxman Maxamuud.

Agaasimaha fulinta Shamso Sheekh Cabdiraxman oo khudbad ka jeedisay munaasabadda ayaa ugu horreyn soo dhaweysa marti sharafta ka so qaybgashay madasha, waxayna bogaadisay guulihii iyo wax-qabadkii ay xaqiijiyeen hoggaankii hore ee MWN muddaddii ay xilka joogeen, iyada oo ballan qaaday in ay si labo jibaari doonaan daddaallada lagu horumariyo bulshada, si looga miro-dhaliyo hadafyada loo yagleelay MWN.

Shamis Abdirahman Agaasimaha Fulinta

Cabdishakuur Cali Axmed oo ah madaxa waaxda Istiraatiijiyadda warbaahinta ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in MWN looga baahan yahay inay si wadaan hormarinta warbaahinta, “waa in aad soo celisaan aqoonsiga saxaafadda oo ah in warbaahintu ay ka madax-bannaantahay arrimaha gaarka ah oo ay ka shaqaysa danaha dadka iyo dalka”.

Dhankiisa, xogahaha ururka SOMA Maxamed Cabdiwahaab oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku bogaadiyay waxqabadka MWN, “waxaan ku ammaanayaa in ay tahay MWN mid leh u jeeddo fog oo waxqabad ah, taas waxay na tusinaya isbedelka hoggaanka oo dhowrkii sanaba mar isbeladala si hormar loo sameeyo”.

Hinda Daahir Jaamac oo ah xubin ka tirsan Golaha warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka Gole ahaan in ay garab istaagan gabdhaha weriyeyaasha ah “shaqada Media Women Network waan bogaadinaya waxaana diyaar u nahay Gole ahaan in aan la shaqeyno oo aan garab iyo gaashan u noqon, anigu hinda ahaan bahda MWN waxaan ku aqaan gabdho aqoon iyo karti badan hoggaanka cusub waan soo dhaweynayaa”.

Sidoo kale, Cabdinaasir Xirsi Iidle oo ah agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan haweenka warbaahinta ka shaqeeya” waan dhiirrigelinayaa inay jiran ururro badan oo arrimaha haweenka warbaahinta ka shaqeeya MWN waxaan ka rajeynaya sida ay u kobcisay aqoonta gabdhaha weriyeyaasha in ay kor u qaado gaarsiinta weriyeyaasha oo dhan oo ay rag ku soo biiriyaan hay’adda”.

Ugu dambeyn gudoomiyaha cusub ee Media Women Network Fowsiya Cumar Barre oo soo xirtay munaasabadda ayaa u mahadcelisay hogaanki hore ee WMN iyo dhammaan martida ka soo qaybgashay, waxayna sheegtay in ay sii wadi doonaan hormarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Related posts

Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed

Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.

Galmudug: Tababbarka kor loogu qaadayo aqoonta haweenka warbaahinta oo ka fumray Dhuusamareeb