Media Women Network oo kaashaneysa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa tababar ku saabsan tebinta iyo helidda wararka Maxkamadaha iyo ka warramidda haweenka ee warbixinnada caddaalladda iyo arrimaha Garsoorka ku qabatay lix magaalo oo Soomaaliya ah.
Tababarradan oo ahaa kuwa xiriir ah ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Muqdishu, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Garoowe, waxaana ka faa’iideystay 180 weriye oo isugu jiro gabdho iyo wiilal ka howlgala xarumaha warbaahinta kala duwan eek u yaalla magaalo kasta.
Tebinta wararka garsoorka Soomaaliya waa mid ay warbaahintu ku dhibban tahay, haddii ay isku dayaana ay la kulmayaan caqabado oga imaanaya sida ay uga warrami lahaayeen. Si lamid ah bulshadu waxa ay heshaa kaliya in yar oo aan ahayn mid ka haqab-tiiri karta baahida ay u qabaan in ay la socdaan waxa ka socda maxkadamadaha iyo hab baaristooda.
Hadaba, dhammaan weriyeyaasha qaatay tababarrada ayaa la baray maadooyin muhiim u ah xirfaddooda shaqo, sida habka loo sameeyo sheekooyinka Maxkamadaha, xog ka raadinta nidaamka garsoorka, sida ugu fudud oo ay xogta saxda ah ku heli karaan iyo cidda ay tahay in ay ka raadiyaan.
Sidoo kale, waxaa ay barteyn ka qeyb galeyaasha qaab dhismeedka Maxkamadaha, hay’adaha garsoorka, eray-bixinada loo adeegsado ka warramidda garsoorka, isku dheelitirka wararka, jinsiga iyo sinnaanta, xuquuqda xog helidda ee weriyaha, ilaalinta xogta iyo hab raacyada loo maro tebinta wararka Maxkamadaha iyo caddalladda.
Inta uu socday tababarkan qaarka mid ah ka qeyb galeyaasha ayaa fursad u helay in ay booqdaan Maxkamadda Gobolka Banaaddir, iyagoo ka qeybgalay dhageysiga dacwad ciqaabeedyo socday si ay faham iyo khibrad wanaagsan uga helaan qaadista dacwadaha iyo habka uu weriyuhu u tebin karo.
Ka qeyb galeyaasha ayaa soo bandhigay sheekooyin ay ku muujinayaan waxyaabihii ay barteen iyo tusaalooyin la xiriira aqoonta iyo xirfadda ay barteen inta uu socday tababarka la xiriira ka warramidda Maxkamaddaha iyo caddaalladda.
Media Women Network ayaa aruurisay soo jeedinno iyo talooyin ku saabsan muhiimadda ay leeyihiin tababarrada noocan ah iyo sidii weriyeyaasha Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa tayadooda iyo xirfadooda weriyanimo.
Tababarka tebinta wararka maxkamadaha iyo caddaalad helidda haweenka muddadii uu ka socday lixda magaalo ka qeyb galay ma’uuliyiin kala duwan oo heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, waxa ayna dhammaantood hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay in weriyeyaasha la rabo habka looga warramo arrimaha caddaaladda iyo maxkamadaha, si ay u soo gudbiyaan xog sugan oo dhexdhexaax ah.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ahayd goobta labaad ee tababarka ka qabsoomay ayaa furitaanka tababarka 11 maarso 2023 waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyqaan Saalax Cali Maxamuud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa si wadajir ah u bogaadiyey tababbarkan ee soo qaban qaabisay MWN oo ay taageeray UNSOM, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay u leedahay ka qaybgalayaasha ka warbixinta hay’adaha garsoorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin in mar kasta uu sarreeyo sharaciga iyo caddaaladda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa yiyi “weriyaha tebinaya war ama sheeko ku saabsan arrimaha garsoorka waa in uu xog ka hayo dhammaan dhinacyada ay khusayso kiiska uu rabo in uu la wadaago dadka, waxaan idin ballan qaadayaa in aan idin geyn doono dhammaan xafiisyada si aad u ogaataan wax ka soconaya iyo sida garsoorka u shaqeeyo,”
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa yiri “Waxaan rejenayaa in cilmiga ay ka bartaan weriyeyaasha tababbarkan ay dib ugu celiyaan bulshada oo ay soo bandhigaan warar sugan oo ku saabsan caddaaladda, wariyuhu waa in uusan wax kasto sii deynin, oo uu ka fekaraa waxa uu qoraayo, markii aad maxkamad warkeeda tabineyso waa in aadan waxba ka badalin,”
Dhankeeda, Agaasimaha waaxda jinsiga iyo ilaalinta carruurta ee Wasaaradda Caddaalladda Marwo Deeqa Salaad oo hadal ka jeedisay xiritaanka xeritaanka tababarka Muqdisho ayaa ku dhiirrigelisay in gabdhaha si weyn u muujiyaan kaalintooda caddaallad helidda.
“Farxad ayay ii tahay in aan ka soo qeyb galo workshop ku saabsan qaabka caddaallad u helidda iyo sida looga soo warramo maxkamadaha, taas oo ay ka fa’iidaysteen 30 qof oo gabdho iyo wiilal isugu jira, sidaad la socotaan warbaahintu waxa ay ka mid tahay meelaha waddan laga dhisi karo lagana dumin karo, waxaana idinka rajeynaya inaad noqotaan kuwa dalkooda u shaqeeya oo wax badan ka bedeli doontan kulana laabataan wixii aad barateen xarumihii aad ka timaadeen”.
Tababarradan oo ahaa kuwa is barbar socday qabsoomiddooda ayaa dhanka kale waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ka billaawday 13 maarso 2023 midkii saddexaad ee tebinta Wararka Maxkamadaha, ugu hooreyn furintaanka tababarka waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiiqoow, waxaa uu sheegay in mowduuca uu tababarkan ku saabsan yahay uu ka mid yahay mowduucyada ugu xasaasisan ee u baahan in si wanaagsan looga warramo.
Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Caddaalladda Galmudug Mudane Cabdinasir Xassan Cali oo ka hadlay tababarka ayaa yiri “Bulshada aad u gudbineysida warka waa bulsho isugu jirto qofkii dhibanaha ahaa iyo qofkii dhibka gaystay, adiga ayaa lagaa rabaa kow in aad caddaalladda iska bilowdid oo aadan qof dhinaciisa u jan-jeeransan”.
Tababbarkiii afraad ee tababarradan oo ka furmay magaalada Jowhar ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle 18 maarso 2023, ayaa waxaa khudbad ka jeediyey Wasiir kuxigeeka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Mudane Cabdishakuur Cabdullahi Axmed Shaashaa,waxa uuna sheegay in weriyayaasha looga baahan yahay inay hubiyaan xogta garsoorka iyo kiisaska ay tebinayaan.
“ Weriyayaasha iyo ciidanka amniga waxaa waajib ku ah in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadinka marka ay so xiraan booliska, waxaa dhacda in ciidanka amniga ay warbaahinta ku casumaan qof lagu soo qabtay fal balse aan weli gaarin maxkamadda kaddibna ay baahiso warbaahinta, marka kiiskiisu gaaran maxkamadda qofkii dambi lagu waayo qofkaas sumacadiisi dhaawac ayaa gaaray,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
19 Maarso 2023, Magaalada Baydho oo ahayd goobta uu ka dhacay wajiga shanaad ee tababarka ayaa waxaa ay ka qeybgaleyaasha soo bandhigeen waxyaabihii ay ka barteen tababarka iyo sida ay ugu dabiqi doonan shaqadooda.
Shurki Ismaaciil Axmed oo ah wakiilka MWN ee koonfur galbeed ayaa sheegtay in ka deegaan ahaan ay ku faraxsan yihiin ay heleen wariyaasha Baydhabo tababar la xariira arimaha maxkamada iyo garsoorka iyo erey bixinta wanaagsan ee wariyaasha hab tebinta, waana markii ugu horeysay oo wariyaasha KGS gaar ahaan Baydhabo la siiyo tababar/ siminaar la xariira arimaha cadaalada, maxakamada iyo garsoorka, waxaana wariyaasha kula dardaarantay in cashara ay si fiican u qaataan si ay u helaan warar ama sheekooyinka la xariira arimaha maxakamadaha.
“Sida aan ognahay wariyaasha aad ayey uga yaryihiin helista iyo tabinta xogaha maxakamadaha iyo garsooraha iyo anshax ahaan sida loo tebiyo ama loo helo xogahaasi, tababarkaan wariyaasha Baydhabo hadaa tihiin waxaa idinka caawin doonaa tabinta, erey bixinta habooon iyo helista xogaha”
Tababarkan oo ay iskaashanayeen Media Women Network iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa wajigiisa lixaad waxaa lagu soo geba-gebeeyey magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland 27 maarso 2023, Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Nugaal Mudane Cabdikariim Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa macallimiinta tababarka bixinayey ayaa dul istaagay sida uu shaqeeyo nidaamka garsoorka dalka iyo sida ay u dhacaan xukunnada caddaalladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.
Dhammaan tababbarrada waxaa hogaaminayey qeybaha kala duwan ee maamulka iyo wakiilada WMN ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir.
Ujeedada MWN iyo UNSOM tababarkan ay ah in kor loo qaado awoodda saxafiyiinta, taas leh aqoon kororsi kala duwan oo ka caawinaya dhalinyarada saxafiyiinta in ay sameyn karaan sheekooyin kala duwan oo la xiriira xukunnada iyo garsoorka.
“Tababarkan wuxuu ujeedadiisu tahay in lagu wanaajiyo warbixinnadaada mustaqbalka ee maxkamadaha iyo cadaalad ahaan iyo tayo ahaanba iyo fahamkaaga nidaamka cadaaladeed ee Soomaaliya, mar haddii kor loo qaado awoodda weriyaha iyo xirfadda warbixinta maxkamadda waxay kordhin doontaa wacyigelinta bulshada iyo iftiiminta marin u helka waddooyinka caddaaladda”. Ayey tiri gudoomiyaha MWN Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan mar ay soo xireesay mid kamid tababarrada.
Weriyeyaashu waxa ay u baahanyihiin aqoon iyo xirfad kordhin taas oo ka caawin doonta shaqadooda kana dhigi doonta mid aad u heer sarreysa.
Xirfadleyda saxaafadda waxa ay soo jeediyeen :
Si guud ka qeyb galayaasha waxa ay ahaayeen kuwa faham yar ka haysta nidaamka garsoorka iyo cadaaladda Somalia. Sidaa darteyd waxa ay soo jeediyeen badan kood in loo soo badiyo tababbarrada nocan ah.
Qaar kale oo ka mid ah ka qeyb-galayaasha ayaa Iyana soo jeediyey in ay jeclaan lahaayeen in la baro ama ay helaan habka wax loo baaro, taas muujineysa sida ay ugu baahnaayeen tababarrada kan la midka ah iyo baahida ka jirta dhanka ka warramidda maxkmadaha.