Tababbar socday muddo Seddax maalin ah oo ku saabsanaa tebinta sheekooyinka maxkamadaha iyo fursadaha ay haweenku u leeyihiin caddaalad helista ayaa soddon ka tirsan weriyeyaasha ka shaqeeya xarumaha warbaahinta ee magaalada Muqdisho loo soo xiray maanta.
Kala fogaanshaha warbaahinta iyo laamaha garsoorka ayaa sababtay in shacabku aysan helin sheekooyinka iyo xogaha aasaasiga ah ee caddaaladda sida xukunka dhaca iyo sida loo maareeyay.
Media Women Network oo kaashaneysa xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya (UNSOM), ayaa soo qaban qaabisay tababbarkan, kaas oo loogu talo galay in weriyeyaashu ay faham ka helaan qaab shaqeynta nidaamka maxkamadaha iyo fursadaha ay haweenku u leeyihiin caddaalad helista.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Federaalka ah mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ooo ka hadlay furitaanka tababbarkan ku saabsan habka ugu wanaagsan ee warbaahintu u tebib karto sheekooyinka caddaaladda ee haweenka gaar ahaan dhanka maxkamadaha, ayaa weriyeyaasha ka qaybgalaya u sheegay in garsoorku uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee nolasha dadka.
“Waxaan rejenayaa in cilmiga ay ka bartaan weriyeyaasha tababbarkan ay dib ugu celiyaan bulshada oo ay soo bandhigaan warar sugan oo ku saabsan caddaaladda, wariyuhu waa in uusan wax kasto sii deynin, oo uu ka fekaraa waxa uu qoraayo, markii aad maxkamad warkeeda tabineyso waa in aadan waxba ka badalin,” ayuu yiri Mudane Xayir.
Iyada oo kolka horaba ay yartahay helista xogaha la xiriira garsoorka xukunnada ka dhaca maxkamadaha heerarkooda kala duwan ayaa haddana ay jirtaa aqoon yari dhanka warbaahinta ah.
MWN ayaa tababbarkan ka fulineysa ilaa 6 magaalo oo kala duwan si loo helo tebiyeyaal xirfad u leh arrimmaha sharciga, garsoorka iyo maxkamadaha heer federal ilaa heer maamul goboleed.
Martida furitaanka ka qeyb galay waxaa kamid ahaa gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Mudane Garyqaan Saalax Cali Maxamuud oo bogaadiyay tababbarkan ay soo qaban qaabisay MWN, ayaa ka qaybgalayaasha uga warbixiyay kaalinta ay ku leeyihiin in mar kasta uu sarreeyo sharaciga iyo caddaaladda.
“weriyaha tebinaya war ama sheeko ku saabsan arrimaha garsoorka waa in uu xog ka hayo dhammaan dhinacyada uu khusayso kiiska uu rabo in uu la wadaago dadka, waxaanidin ballan qaadayaa aan idin geyn doono dhammaan xafiisyada si aad u ogaataan wax ka soconaya iyo sida garsoorka u shaqeeyo,” ayuu yiri Garyqaan Saalax.
Agasimaha waaxda agaasimaha jinsiga iyo ilaalinta carruurta ee Wasaaradda caddaalladda iyo arrimaha dastuurka Deeqa Salad oo aan ku casuunnay xiritaan/furitaanka tababbarka ayaa ka qeyb-galayaasha kula dar-daarantay iney ka shaqeeyaan cadaaladda.
“Waxaan rajeynaa in aad Caddaalad helidda aad ka bilaawdaan goobaha aad ka shaqeysaan kadibna aad bulshada gaarsiisaan,”.
MWN oo marki ay aragtay baahido loo qabo in shacabku helaan xog ku saabsan garsoorka iyo loo tababbarro weriyayashaa ayaa rajaynaysa in tababbarradaan in fure u noqdaan in shacabku helo xog ku filan oo garsoorka ah, sheekooyinka la xiriira maxkamadaha gaar ahaanna kiisaska iyo dacwadaha ku saabsan arrimaha haweenka ah