Home Somali Training KISMAAYO: TABABBAR KU SAABSAN KA WARRAMIDDA KIISASKA MAXKMADAHA OO LOO FURAY WERIYEYAAL

KISMAAYO: TABABBAR KU SAABSAN KA WARRAMIDDA KIISASKA MAXKMADAHA OO LOO FURAY WERIYEYAAL

by MWN

Tababbar ku saabsan ka warramidda iyo xog helista arrimaha garsoorka billowna u ah tababbarro dhaowr ah oo Media Women Network ku qabanayso magaalooyin kala duwan ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo.
Waxaa ka qaybgalaya in ka badan 20 weriye oo ka kala socda warbaahinta.

Furitaanka tababbarka waxaa ka soo qaybgalay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee maamulka Jubbaland Saleebaan Maxamed Maxamuud, xoghayaha garsoorka Jubbaland Cabdullaahi Ccabduqaadir Aadan iyo xoghayaha ururka weriyayaasha Jubbaland Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed, waxayna dhammaantood sheegeen in taabbarkan uu shacabka ka caawiynayo inay helaan xogaha ku saabsan garsoorka iyo caddaaladda.

Tababbarkan ayaa si toos ah ugu saabsan kiisaska maxkamaha ee haweenka iyo caddaalad helistooda. Waxaa aad u yar xogta ku saabsan caddaaladda dalka, taas ayaa loo aanaynayaa weriyayaasha oo aan inta badan helin tababbarro, xogta dhanka sharciga oo aan faham badan laga haysan. Ujeedka MWN ayay u sooo qaban qaabisay tababbarkan ayaa ah in la sameeyo lana abuuro xiriir dhex mara laamaha caddaaladda iyo weriyayaasha si dadku u helaan xogta garsoorka.

Weriyayaasha ayaa la barayaa habka ugu fudud ee ay u samayn karaan sheekooyinka maxkmadaha gaar ahaanna kuwa ku saabsan dhedigga, waxaa kaloo la barayaa qodobbada sharciga aasaasiga ah si ay fahman sharci ah ay uga helaan kiisaska iyo noocyadooda.

Media Women Network oo kaashanaysa xafkiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya (UNSOM) ayaa tababbarkan oo ka kale ka fulinayso magaalooyin kala duwan oo ku tirsan.

You may also like

Leave a Comment

About Us

MEDIA WOMEN NETWORK – is a Somali independent non-profit, non-governmental organization, based in Mogadishu, with correspondents around the country. MWN promotes press freedom and defends the rights of Somali female journalists.

©2024 Media Women Network – All Right Reserved.

Are you sure want to unlock this post?
Unlock left : 0
Are you sure want to cancel subscription?
-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00