Soddon weriye oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa maanta loo soo xiray tababbar ku saabsanaa tebinta sheekooyinka la xiriira dacwadaha garsoorka iyo xuquuqda aasaasiga ee uu leeyahay muwaadinka la soo eedeeyo, muhiimadda ay leedahay in dadku helaan xogaha garsoorka iyo sida ay u shaqeeyaan laamaha caddaaladda ee dalka.
Wasiir ku xigeeka wasaaradda warfaafinta Hirshabeelle Cabdishakuur Cabdullahi Axmed Shaashaa, oo ka soo qaybgalay xiritaanka iyo furitaanki tababbarka oo socday sedex beri ayaa sheegay in weriyayaasha looga baahan yahay inay hubiyaan xogta garsoorka iyo kiisaska ay tebinayaan.
“ Weriyayaasha iyo ciidanka amniga waxaa waajib ku ah in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadinka marka ay so xiraan booliska, waxaa dhacda in ciidanka amniga ay warbaahinta ku casumaan qof lagu soo qabtay fal balse aan weli maxkamadda gaarin oo kadibna ay baahiso warbaahinta, marka kiiskiisu maxkamadda gaarana lagu waayo dambi qofki, qofkaas sumacadiisi dhaawac ayaa gaaray,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
Cabdishakuur Cabdullahi Axmed Shaashaa, ayaa sheegay in uu rajaaynao in weriyayaasha ay tababbarkan ka faa’ideen xogaha aasaasiga ee ay u baahan yihiin inay helaan marka ay doonayaan inay ka warramaan kiisaska maxkmadaha gaar ahaan kuwa khuseeya dhedigga.
Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xiritaanka tababbarka gudoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Baarey, wuxuuna weriyayaasha kula dardaarmay in aqoonta ay tababbarka ka barteen ay ku dabakhaan shaqadooda oo ay soo tebiyaan sheekooyin xog dhamaystiran leh. Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Jowhar Kornayl Bashiir Xasan Xaalfooy, oo u mahadceliyay MWN oo tababbarkan soo qaban qaabisay ayaa ka hadlay muhiimadda uu u leeyahay warbaahinta iyo laamaha garsoorka. Wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyada looga baahan yahay in laga wada shaqeeyo sida ugu wanaagsan ee loo sixi karo wixii khaldama. “Weriyayaasha waxaa laga rabaa inay la yimaadaan dedaal, kalsooni,xog sugan iyo wada shaqayn.”