GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

Afartan (40) gabdhood oo ka kala socday warbaahinta qaar kamid ah maamullada iyo gobolka Banaadir ayaa MWN u qabatay tababbar la xariira hab maamulka warbaahinta, tababarkaan ayaa ka kala dhacay ilaa seddex magaalo oo kala duwan ku waas oo kala ah Muqdisho, Dhusamareeb iyo Jowhar.

Tabarkaan oo ahaa mid taxane ah ayeey MWN siineysay gabdhaha wariyaaasha ah si sare loogu qaado xirfadooda hogaamineed iyo awoodooda shaqo ee maamulka warbaahinta.

Guud ahaan warbaahinta dalka lama helayo haween ku jira qeybta maamulka, mudadii ay MWN ka shaqeyneysay awood siinta gabdhaha ee dhanka hogaaminta waxaa soo muuqday in ay jiraan baahiyo iyo caqabado kala duwan kuwaas oo ka hor taagan gabdhaha in ay soo gaaraan maamulka heer dhexe iyo heer sare ee warbaahinta.

Iyada oo taa laga duulayo ayeey MWN oo kaashaneyso IMS-fojo soo agaasintay, tababarkaan oo lagu baraayay gabdhaha hogaaminta wanaagsan, qorsheynta shaqada maalin laha iyo xalinta khilaafaadka.dhammaan ciwaanada ayaa ka caawinayey gabdhaha iney fahmaan nooca shaqo ay ka jirta shaqada maamulka.

Muqdisho:

29-kii bisha Abriil 2023, ayuu Muqdisho ka qabsoomay tababbarkan oo socday hal maalin, waxaana gabdhihii ka qeyb qaatay ay kusoo bandhigeeyn sida ay u daneenayeen iney helaan fursad noocaas oo kale ah. Iyaga oo qaadanayey casharro aqoontooda hormarinayey, waxaana ka faa’iideystay 16 gabdhood oo ka howl gala warbaahinta magaalada Muqdisho.

Galmudug:

Tababbarkii ka dhacay magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa ka qeyb galay 12 gabdhood oo ka shaqeeya warbaahinta deegaannada kala duwan ee maamulkaasi.

Tababarkaan oo soconaaye muddo laba maalin ah ayaa qabsoomay 1-2 May, 2023, waxaana tababarka daahfuray wasiirka wazaarda warfaafinta Mdane Abshir Abdi shiqoow ee maamulka Galmudug.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Abshir Abdi Sheikhoow oo ka hadlaayey furitaanka tababarka ayaa Yiri “MWN waxaan ku amaanayaa ineey qabtaan tababaro ka tayo sareeya kuwa kalee deegaanka lagu qabto sidoo kale waxaan ku bogaadineynaa gabdhaha tababradan ka faa’iideeysta inaan xilalka wasaarada warfaafinta ay wax ka helaan”

Dhanka kale mid lamid ah tababbarradaan ayaa ka qabsoomay caasimadda maamulka Hirshabeelle ee Jowhar, oo ay ka qeyb galeyn 12 gabdhood.

Xirfadleyaasha Warbaahinta ee ka shqeeya Hirshabeele gaar ahaan Jowhar ayaa hore u qaadan tababbarkan oo kale mana jirto gabar kasoo muuqatay qeybta maamulka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee Hirshabeele mudane Cabdishakuur Axmed oo soo xirayey tababarkaasi ayaa waxaa hadalladiisii kamid ahaa “waxaa jiro mararka qaar eedo la jeediyo oo maamulada warbaahinta, agaasimayaasha iyo milkiilayaasha loo jeediyo, eedahaas waxey isugu jiraan laba nuuc kuwaa waa kuwa sax ah kuwana waa kuwa la been abuurtay, eedahaas waxaa ku milma gabar aan shaqo ku laheyn Tusaale gabar wixii la eed tamaaye aanan marin oo aanan la kulmin ayaa waxaa laga yaabaa markii la weydiiyo maxaa u raadin weyse agaasime ama tafatire ayadoo raaceyso wado hada ka hor dhacday iney tiraahdo sidaas Ayaan uga wareegtay, waxaan rajeynayaa in arrintaas si wanagsan gabdhaha uga taxadaraan ilaa xaqiiqda aad aragto aad socoto oo aysan kaa reebin cabsi”

Tababbarkan ayaa gaaray tiradii loo qorsheeyey, MWN iyo IMS-fojo ayaa ka lahaa yool fog kaas oo dhabbaha u furaya in haweenka qeyb noqdaan hogaaminta xarumaha iyo Shaqada Warbaahinta dalka.

Related posts

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA

MUQDISHO: WERIYAYAAL LOO TABABBARAY SHARCIGA AASAASIGA EE DACWADAHA MAXKMADAHA IYO TEBINTOODA