Shabakada Warbaahinta Haweenka (MWN) oo ah urur ka shaqeeya horumarinta arrimaha haweenka warbaahinta ayaa u taagan abuuridda hannaan lagu heli karo Haween weriyayaal ah oo leh hal abuur iyo tayo wax-soosaar qeybaha kala duwan ee Warbaahinta.
Tiirarka ay ku dhisan tahay MWN ayaa mudnaanta koowaad siinaya kor u qaadidda tayada, aqoonta iyo xirfadda haweenka warbaahinta si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan isbedellada lagu jaheynayo warbaahinta casriga ah, tababbarkan wuxuu qeyb ka yahay sidii aan u heli lahayn hablo soo jeedin wanagsan iskuna kalsoon.
Tababbarku wuxuu gaar u yahay gabdhaha warbaahinta ku jira ama barta ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana lagu baran doonaa xirfadda soo jeedinta muuqaallaada iyo sidii aad u noqon lahayd weriye jeedintiisu sareyso.
Hadaba si aad uga mid noqoto ka qeyb galayaasha tababarkan buuxi foomkan hoose.
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSc25kltitqiHMhu5X8fzQtZFxxNHkidHYjuN86ztTb4jECL6Q/viewform