Weriyayaasha Soomaaliya oo halis ugu jira COVID19

Cudurka Caronavirus-ka oo ku faafaya gudaha dalka ayaa waxaa muuqata in weriyayaasha ay halis ugu jiraan in cudurkan uu ku dhoco. Qaar badan oo ka mid ah weriyayaasha ayaa wali si caadi ah u wata shaqooyinkooda maalinlaha.

Kiisaska cudurka ee wadanka laga helay ayaa kor u dhaafaya 2,755, tirada dhimashadu waxay maraysaa 88 halka 751 qofna ay ka bogsadeen.?

Sidaa darteed waxaa muhiim ah in qof kasta uu sameeyo taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga caafmaadkiisa.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji oo ku sugan magaalada Garoowe oo ah weriye ka shaqeeya barnaamijyada arrimaha bani’aadamnimada ahna soo saare ka tirsan idaacadda Ergo oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi,  Media Womne Network u sheegay in xaaladda weriyayaasha qaarkood  ee COVID19-ka tebiya ama wararka kaleba ay si caadi ah u dhaqamayaan.

“ Ma haystaan qalabka ka hortagga sida afxirka, galoofiska, waxay wadaagaan qalabka ay isticmaalaan sida caamirada, rikoorada, waxay wada raacaan hal gawaari, oo kama  muuqan kala fogaanshaha, waxay wali isticmaalayaan habki hore oo ah inay hal meel wada tuurtaan” Sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan.

Marka la eego arrimahaas oo dhan waxay muujinaysaa sida ay ugu nugul yihiin in cudurku haleelo.

Cabdinuur Faarax maaha magiciisa runta ah, waxaan u qarinay arrimo la xiriira ammaanka shaqadiisa, wuxuu ka shaqeeyaa mid ka mid TV-yada gudaha dalka ku yaalla, waxaa uu sheegay in sidii caadiga ahayd uu wali shaqadiisa uu wato oo aysan waxba iska badallin.

“ Dadka aan xogta ka rabo waan u tagaa oo fool ka fool baan u soo wareystaa, waayo waa muuqaal waxaan u baahanay, sidaa darteed waxaan ku qasabanay in aan la kulmo qofka aan warka ka rabo, xal kale ma hayo oo aan kaas ahayn”

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn in ay jiraan weriyayaal uu ku dhacay cudurka, haddana markasta halistiisa ayaa jirta maadaama uu ku faaafayo gobollada dalka.

Nafiso Xirsi Oogle oo Media Women Network u qaabilsan dhanka xiriirrka ayaa sheegtay in ay aad uga welwelsan tahay xaaladda weriyayaasha ay ku shaqaynayaan xilligan adag. Waxay tilmaantay in xarumaha ay ka shaqeeyaan weriyayaasha looga baahan yahay inay caawiyaan oo ay u sahlan waxyaabo suurtagalin kara in shaqada ay socoto weriyahuna uu badqabo.

“Waxay samayn karaan in lagu caawiyo in qaab online ah ay u soo shaqeeyaan weriyayaasha si loo yareeyo weriyayaasha badan ee xarumaha imaanaya iyo kuwa badan ee aadaya meelaha ay wararka iyo xogaha kale ka doontaan, waan oganahay in caqabado jiraan laakiin waxaa ka muhiimsan caafimaadka qofka”

Sido kale Nafiso ayaa intaas ku dartay

“Waxaa jira dhibaatooyin guud ahaan bulshada haysta oo ah in qofku uu qarsado cudurka asaga oo ka baqaya in lagu takooro sidaa darteed way adag tahay in la ogaado weriye uu ku dhacay xanuunka”

Naciimo Muuse Dallaf oo ah xoghayaha ururka Media Association of Puntland ayaa sheegtay in weriyayaasha ay u baahan yihiin in la taageero. Waxay tilmaantay in si loo ilaaliyo caafimaadka weriyayaasha ay u qaybiyeen qalabka ka horta cudurka COVID19-ka guud haan weriyayaasha ka howlaha xarumaha kala duwan ee warbaahinta Puntland ayaga oo taageero dhaqaale ka helay hay’dda International Media Support (IMS).

“ Waxaan kulamo dhanka aaladda zoomka ah la qaadannay mas’uuliyiinta idaacadaha iyo TV-yada, waxaanu kala hadlanay inay racaan talooyinka caafimaad, ayna samayeen inay shaqaalaha qaarkood ay ka soo shaqeeyaan guryaha, kuwa banaanka u aada wararkana ay helaan qalabaka”

Qiimayn dhawaan la sameeyey ayaa sheegaysay in Soomaaliya ay tahay wadan adeegsiisa internet-ka uu aad u jaban yahay, balse waxaa meesha ku jirta awoodda dhaqaale ee xarumaha warbaahinta ay qalab ugu iibin karaan weriyayaasha u shaqeeya.

Shabakadda SOMA oo ay ku mideysan soddon idaacadood ayaa dadaallo u gashay sidii ay weiyayaasha u heli lahaayeen qalabka loo isticaalo ka hortagga COVID19-ka. Maxamed Cabdiwahaab oo ah hoghayaha  SOMA ayaa sheegay in ay aad u yartahay xogaha laga helo COVID19-ka marka laga reebo shirka ja’aaid ee wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu tilmaamay in idaacadaha xubnaha ka ha Shabakadda ay la qaateen kulamo ah in ay kala yareeyaan shaqaalaha imaanaya xafiisyada, in haddii ay suurtagal tahay laga soo shaqeeyo guryaha, in weriyayaasha ay helaan qalabka ka hortagga COVID19-ka.

“Caqabado way jiraan, sida dhaqaalaha oo yar oo waxyaabo badan aysan awooddin xarumaha idaacadaha, maadama dhaqaalaha guud uu saamayn ku yeeshay cudurka”

Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in ilaa hadda uusan jirin weriye ka shaqeeya idaacadaha xubnaha ka ah SOMA oo u ku dhacay cudurka.

Related posts

Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed

Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.