Sagal Beeldeeq: Waan jeclaa maamulka laakiin ma haysan dhiirigalin iyo dumar aan ku daydo

Sagal Beeldeeq Axmed oo ka mid ah gabdhaha ugu firfircoon ee ka shaqeeya warbaahinta Soomaaliland ayaa 28 bishi march 2020, uu mulkiilaha iyo madaxa TV-ga Horn Cable u magacaabay inay noqoto madaxa barnaamijyada ee TV-ga ee magaalada Hargeysa.

Sagal Beeldeeq Ahmed ayaa ka mid ahayd gabdho sanadihi 2018-2019-ki ka qayb galay tababarro taxane ahaa oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen gabdho loo tababaray inay awood siin ku sameeyaan gabdhaha kale ee ku jira warbaahinta si ay uga qayb noqdaan maamulka iyo hogaaminta xarumaha warbaahinta ee Soomaaliland. Sagal ayaa dhankeeda aad ugu faraxsan in loo magacaabo jagadan oo ay ku heshay dedaal samaysay tababarradi ay qaadatay kadib oo wax ka badalay.

IMS iyo FOJO ayaa 20 gabdhood u tababray maamulka iyo hogaaminta 2016-2018, oo kala socday Soomaliya iyo Soomaaliland. Sagal oo wareysi siisay Media Women Network ayaa ugu horreeyn waydiinay .

MWN. Muxuu yahay booskan laguu magacaabay?

Sagal. Waxaan madax ka ahay guud ahaan barnaamijyada ka baxaya TV-ga, waxaan maamulaa in ka badan 20 barnaamij oo laga soo kala diyaariyo meelo kala duwan, waajibkayga wuxuu yahay in aan hubiyo tayadooda, waxaan sidoo kale mas’uul ka ahayd guud ahaan wax ka baxa Horn Cable TV.

MWN. Dadka aad maamusho ma rag bay u badan yihiin mise dumar?

Sagal. Sida la wada ogyahay dadka ugu badan ee warbaahinta ka shaqeeya waa rag sidaa darteed  80% waa rag dadka aan hadda kala hago.

MWN. Sidee u kala hagtaa?

Sagal. Waxaan sameeyaa jadwal oo aan diyaariyaa kaasi oo ay ku caddahay qof kasta iyo waxa uu qabanayo, xilliga uu shaqada soo galayo iyo xilliga laga doonayo in uu barnaamijkiisa diyaar yahay aniga oo intaa aan uga harayn ee kula xisaabtamaya.

MWN. Go’aannada ka warran ma adiga ayaa qaataa mise waa lagula wadaagaa?

Sagal. Go’aanka booskan aniga ayaa u madaxbanaan laakiin mararka qaar waan kala tashdaa cidda aan ku tuhmayo inay wax igu kordhin karto khibrad ahaan.

MWN. Ma noo sheegi karta haddii aad la kulanto caqabado?

Sagal. Dumar ahaan shaqadan waxaa leedahay caqabado badan oo ay ka mid tahay in shaqadaadu aanay kalsooni galinayn bulshadii iyo xaruntaadii warbaahineed oo aan aaminsanayn awoodda gabadha taasi oo sabab u noqon karta in aad waydo wax aad qaban karto.

MWN. Maxaad is leedahay way kuu suurta galisay in aad hesho booskan?

Sagal. Lix sano oo aan ka shaqaynayey warbaahinta ma jirin kalooni fiican oo aan is oran karay waxbaad maamuli kartaa laakiin waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo tababarro ku saabsan maamulka iyo hogaaminta warbaahinti sanadihi 2018-2019-kii, kuwaas oo wax weyn iga badalay, waxaan billaabay in marka kulamada TV-ga la isugu yimaaddo in aan ka hadlo in gabdhaha lagu sooo daro maamulka iyo in aan ka doodo kulan kasta.

MWN. Ma xusi kartaa meelaha aad isleedahay tababarrada way kaa caawiyeen?

Sagal. Haa horta waayo kalsooni nafsiyan ah ayaa nalaku abuuray, waxaa aad noo caawiyay macalimiinta tababarka bixinayay oo dumar ahaa oo aad noogu soo bandhigay in aan awoodi karno in aan mamaulka qabanno balse wax kaliya ee aan u baahannay ay tahay in aan kalsooni, dhiiranaan, hadalno oo miisaska aan doodo ka furno, wada xaajood samaynno oo aan wax raadsanno.

MWN. Marki hore maxaad ka aaminsanayd maamulka?

Sagal. Waan jeclaa in aan maamule noqdo laakiin waan ka cabsan jiray waayo maamulkaygu markasta rag ayuu ahaa, ayada oo ay goobta joogaan hablo leh khibrad,aqoon, karti, kuwaas oo ay mamaulaan rag laga yaabo inay ka hooseeyaan aqoon ahaan iyo xirfad ahaan, taasi ayaa cabsi igu abaaraysay laakiin tababarkaasi waxa uu isiiyay kalsooni buuxda.

WMN. Ma adiga ayaa raadsay booska mise maamulka ayaa kula soo doontay?

Sagal. Maamulka ayaa ila soo doontay marki uu arkay in aan hadlayo oo aan la xisaabtamayo inay dumar ku soo daraan maamulka, inti aan waday dedaalka marna ma oran aniga boos halla ii dhiibo laakiin waxaan si guud ugu dooday in aan la mid noqonno ragga.

Waradasagal Axmed Rooble oo ka mid ahayd 20 gabdhood oo ka faa’ideystay tababarro taxane ahaa oo ay bixinayeen hay’adaha IMS- FOJO, oo dumarka lagu barayey sidii ay ugu biiri lahaanyeen maamulka iyo hogaaminta warbaahinta ayaa sidoo kale kadib noqotay 7 gabdhood oo loo tababray in ay noqdaan tababarayaal si ay u dhiiri galiyaan dumarka kale ee ka shaqeeya warbaahinta. Warda oo leh khibrad warbaahineed oo 10 sano ayaa sheegtay in Sagal beeldeeq ay ka mid ahayd gabdhi ugu firfircoonaa oo ay ku tababareen magaalada Hargaysa balse u baahnayd awood siin iyo dhiiri galin.

MWN. Tababarda aad qabteen maxay ahaaeen?

Wardasagal. Si gud waxay ku saabsanayeen maamulka iyo hogaaminta warbaahinta, waxaan baranayay sida ay hadaf u dejisan lahaayeen, isku kalsoonaanta nafta, illeen haddii aysan kasooni jirin qofku horay uma socon karo, sinaanta shaqada ee labka iyo dhedigga, inay xaq u leeyihiin inay la mid noqdaan labka, sida jagooyinka, mushaaraadka, dalacsiinta, inay hadlaan si waxay ay rabaan u soo dhacsadaan axqooda iyo inay sameeyaan wada xaajood dhanka kasta ah.

Warda ayaa sidoo kale sheegtay in waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ka ogaadeen gabdhaha ay ahayd maamulidda wakhtiga kaasi sal u ah hormarka qof kasta.

Related posts

Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed

Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.