Muqdishu: 10 haween ah oo loo tababbaray tababbarayaal

Media Women Network oo kaashanaysa hay’adaha IMS-FOJO, ayaa maanta (24-July-2022) u soo xirtay 10 haween ah tababbar socday sedex beri oo ku saabsanaa  tababbarka tababbarayasha warbaahinta.

Tababbarkan ayaa ujeedku yahay in la helo haween bixin kara tababbarrada la xiriira dhanka warbaahinta si ay u qorsheeyaan una bixiyaan tababbarro ku saabsan hogaaminta iyo maamulka warbaahinta ee xarumaha warbaahinta iyo ururradadalka.

Gabdhahan ayaa ka kala socday gobolka Banaadir, maamullada Puntland, Koonfur-galbeed iyo Jubaland.

Haweenkan oo loo diyaarinayo inay si buuxda u noqdaan tababbarayaal warbaahineed ayaa sidoo kale qaatay casharro la xiriira  hormarinta qofeed iyo tan wax qabad ee ku saabsan in ay tababbaraan haweenka warbaahinta ka shaqeeya ee ku sugan deegaannnada ay kala socdeen.

“Waxaan bartay sida loo qorsheeyo tababbarrada, waxaan bartay sida loo kala hormariyo qorshaha marka la diyaarinayo tababbarrada, sida loo maamulo dadka tababbarka la siinayo. Aniga wuxuu ii lahaa muhiimad gaar ah waayo wuxuu ku soo beegmay xilli aan u baahnaa, ma soo koobi karo waxyaabaha aan ka bartay, inkastoo wakhtiga uu koobnaa haddana aqoon fiican baan ka helay,” ayay tiri Shukri oo ku faraxsan inay qaadatay tabbabbarkan.

Tan ayaa billow u ah in haween badan ooo warbaahinta ka shaqeeya loo tababbaro inay noqdaan barayaal warbaahineed. Maamulka Media Women Network ayaa u arka in tani ay qab ka noqon karto xal u helidda cabaqadaha haysta haweenka ka shaqeeya warbaahinta.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha Media Women Netwokr ay ku doonayso inay ku hormariso sidoo haweenku ay u muujin lahaayeen doorkooda warbaahinta.

Shukri Cabdisamad oo ka mid ah gabdhaha ka qaybgalay tababbarka ayaa sheegtay ay wax badan ka baratay inti uu socday.

Related posts

Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed

Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.