Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed

Waqti, dedaal iyo habeeno badan oo soo jeed ah kadib 23 bisha Jannaayo ee sanadkan bilowga ayey u suuro gashay Nasro Cabdirisaaq Axmed oo ah saxafiyad hore in ay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ku daah-furto xaruntii ugu horreysay oo warbaahin ah oo ay gabadhi hindistay Puntland. Xarunta warbaahinta Milgo waa xarun inteyda badan ka hadli doonta arrimaha bulshada iyo hormarkeyda, taas oo ah nooca warbaahineed ee dalka ku yar.

Marwo Nasro oo leh in ka badan 15 sano oo khibrad Saxaafadeed ah, waxa ay shaqadeydii u horreysay ka billaawday warbaahinta, gaar ahaan farsamada iyo xiriirinta idaacadda illaa ay ka noqotay Agaasime Xaruntii ay ka howl bilowday taas oo ahayd radio Garoowe.

waxa ayna ka soo shaqeysay xarumo warbaahineed oo Maxalli ah iyo kuwo Caalami ah sida BBC Media Action oo ay ka soo qabatay xilal kala duwan.

Dhan kale Nasro Cabdirisaaq waa hooyo leh 3 carruura ah, ku barbaartay Soomaaliya, kuna Wax baratay dalkeeda hooyo gudahiisa illaa heerka labaad ee Jaamacadda, gaar ahaan Kulliyadda Culuumta Saxaafadda, waa aas-aasaha hay’adda maxalliga ah ee Women in Media Initiative Somalia-WIMISOM oo fadhigeedu yahay Puntland, waa tababarre Sare oo Saxaafadda ah iyo u dhaq-dhaqaaqe arrimaha saxaafadda iyo haweenka.

Agaasime Nasro Cabdirisaaq oo ka warbixineysay sida ay ugu dhalatay furitaanka xaruntan warbaahineed iyo duruufaha ku xeeran ayaa sheegtay  in caqabado fara badan oo dhaqaale, amni, iyo wacyiba ay jiraan balse ay rumeysan tahay in looga gudbi doonno adkeysi iyo u dhabar adayg si loo xaqiijiyo hadafka fog, kaas oo bulshada loogu adeegayo.

“Fikirka ah in aan hirgeliyo xaruntan warbaahimeed ee ka warrami doonto sheekooyinka la xiriira arrimaha bini’adamnimada, waxyaabaha saamaynaya nolosha bulshada, kor u qaadidda wacyiga dadkeenna iyo fahamka bulshada ee ku aaddan xuquuq-dooda iyo masuuliyadaha saran qofka kasta Waxa ay ahayd aragti aan muddo dheer ku taamayey sidii aan uga miro-dhalin lahaa. Alle Mahaddii maanta ayaan ku guuleystay in aan daahfurno” ayay tiri Marwo Nasro.

Bahda Media Women Network ay farxad gaar ah u tahay in ay arkaan Xarun Warbaahineed oo ay leedahay Gabadh aan dalka meel uga bixin, kuna soo shaqeysay dal colaaddo sokeeye ay saameeyeen, warbaahintu laga aaminsan yahay barta dadka iska hor keeynta. Waana go’aan wax ku ool ah in ay Nasro  ku dhiiratay hirgelinta Warbaahin oo u adeegto bulshada Soomaaliyeed.

“Hadafkeenna koowaad haddan nahay bahda Women Network waa Weriyeyaal tayo aqooneed iyo xirfad leh iyo Warbaahin Tayo leh, runtii waxaan aaminsannahay in Milgo Media Women ay billaw u tahay  Xarumo warbaahineed oo tayo leh, ayna leeyihiin gabdho Soomaaliyeed in dalkeenna uu yeesho, ammaan, hambalyo iyo bogaadin gaara ayaa u diraya Milkilaha Warbaahinta Milgo Marwo Nasro Cabdirisaaq Axmed oo iyadu ku dhiiratay yagleelidda xaruntii u horreyso oo Gabadh Weriye ah ay leedahay oo dalka laga furo, tani waa tusaale nool iyo Waxtarka Gabdhaha Weriyeyaasha”.

Warbaahinta Milgo waxa ka kooban tahah qeybaha kala duwan ee Warbaahinta sida Idaacad, muqaal baahiye (TV), Mareeg (Website) iyo Warbaahinta Casriga ah ee Baraha-bulshada (Social Media), iyadoo xoogga lagu saari doonno jiheynta shacabka, soo bandhigidda baahiyaha bulshada, adeegyada muhiimka u ah muwaadinka Soomaaliyeed iyo sidii ay door weyn uga qaadan lahaayeen horumarinta dalka.

In la Hirgeliyo Warbaahinta Milgo waxa ay tusaale nool u tahay Waxtarka Gabdhaha Weriyeyaasha.

Related posts

Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.

Galmudug: Tababbarka kor loogu qaadayo aqoonta haweenka warbaahinta oo ka fumray Dhuusamareeb