Guulihii ka dhashay tababarradii Media Women Network 2019, ee magalaada Baydhaba

Kaltuun Musafe Nuur oo tan 2017-2020 ka shaqaynaysa warbaahinta ayaa 17-ki bishan June 2020, loo magacaabay in ay noqoto madax barnaamijyada ee TV Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxay ka mid ahayd 12 gabdhood oo bishii November ee sanadkii 2019-ki ka qaybgalay tababar ku saabsanaa maamulka iyo hogaaminta ee warbaahinta, kaasii oo qayb ka ahaa awood siinta dumarka ku jira warbaahinta. Tababarkan ayaa  ka mid ahaa afar tababar oo ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Garoowe iyo Hargeysa oo ay qabatay Media Women Network, waxaana maagaliyey hay’adaha IM-FOJO.

Kaltuun oo wareysi siisay Media Women Network, magacaabidda jagadan kaddib ayay sheegtay in tababarka uu wax badan ka caawiyey. Shukri Bidhaan ayaa qaaday wereysiga wuxuuna u dhacay sida tan.

S. Bal noo sharax booska lagu magacaabay?

J. Waxaa la ii magacaabay in aan noqdo madax barnaamijyada ee TV-ka Koonfur Galbeed, Waliba in aan maamulo barnaamijyada toddobaadlayaasha ah, in aan dabagal ku sameeyo oo aan ogaado wakhtigooda inay diyaar yihiin, mawduucyada looga hadlayo iyo in aan u kala diro dhammaan soo saarayaasha.

S. Maxaa kuu suurtagaliyay?

J. Marki aan qaatay tababarki Media Women Netowrk 2019, waxaan isbadal ku sameeyay shaqadayda oo waxaan billaabay in aan shaqo dheeri ah iyo dedaal la imaado, iyo firfircoonaan, qaar ka mid ah asxaabtaydana waa i dhiiri galiyeen.

S. Ma noo sheegi kartaa waxyaabaha uu sida gaarka ah kaaga caawiyey tababarka?

J. Horta tababarka wuxuu ku saabsanaa sidii dumarka ay uga mid noqon lahaayeen maamulka iy hogaaminta warbaahinta, sidaa darteed waxaa nala baray in aan isku kalsoonaanno, in aan amino in aan qaban karo boos maamulka ah, bal horta in aan aamino in aan xil qaban karo, waayo wixii aad aaminto ayaad samayn kartaa.

S. Marki hore maamulka iyo hogaaminta maxaad ka aminsanayd?

J. Waxaan ka aaminsanaa in uu wax adag yahay oo u baahan shaqo badan laakiin tababarka kadib waxaan ogaaday in ay tahay kalsooni iyo kartida aad leedahay. Waxaa kaloo jiray in dhaqan ahaan aan dhiirigalin jirin oo nalaku oran jiray dumar miyaa wax maamuli kara, gabar ayaa tahay maxaad qaban kartaa.

S. Sidee ugu dhiiratay in aad qabato maxaadse isleedahay wuu badali karaa?

J. Inta badan dumarka warbaahinta ee Koonfur Galbeed ku nool kuma jiraan maamulka, oo go’aan kuma leh way ka shaqeeyaan oo kaliya, waxaan isleeyahay tani waa tillaabo horay aan u qaadnay, waxaan rajeynayaa in aan noqdo in gabdhuhu igu deydaan oo ay maamulaan warbaahin.

S. Haweenka kale ee warbaahinta ku jira maxad u sheegaysaa?

J. Waxaan u sheegayaa inay horta isku kalsoonaadaan nafsadooda, inay is dhiirigaliyaan nafsadooda oo aysan cid kale sugin, Waxaan kaloo leeyahay in ay is abaal mariyaan oo aysan qof kale ka sugin abaal marin. Midda kale mumihiimka ah ayaa ah inay ka dhabeeyaan shaqada warbaahinta oo aysan ka noqon in la dhoho weriye ayaa tahay laakiin ay hadaf leeyihiin.

S. Ma jiraan caqabado aad la kulan tahay intii aad ku jirtay warbaahinta?

J. Marki hore warbaahinta waxaan rabay in aan ku soo biro sanadki 2015-ki balse waalidkayga dartiis ayay u suurtagali wayday, waayo waxay warbaahinta ayay khalad ka aaminsanayaan, wakhti bay igi qaadatay in aan ku qanciyo shaqadan inay tahay shaqo wanaagsan oo qof kasta oo uu ka shaqayn karo, waxaa kaloo jirta meelaha aan ka soo shaqeeyey in aan kala kulmi jiray aniga oo shaqo fiican qabtay in la idhaho maxaad qaban kartaa dumar baa tahay way iska badan yihiin caqabadaha haysta haweenka.

Related posts

Munaasabadda Soo Dhaweynta Hoggaanka la doortay ee MWN

Hormarka Warbaahinta Haweenka Soomaaliyeed

Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.