Sacdiyo Nuur Ciid waa guuleystaha tartanka sheeko qorista ee Makaay Garaare, kaas oo Muqdisho lagu qabtay.
11 sano oo shaqo warbaahin ah ayey kaga shaqeeneysaa warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Qorista Warbixinada, wararka iyo sheekooyinka la xiriira arrimaha bulshada iyo siyaasadaba waxa ay u yihiin shaqadeyda maalinlaha ah.
Hadda waxa ay ka hawl-gashaa warbaahinta maqalka ee raadiyaha kaas oo ay caan kaga tahay Muqdisho marka laga reebo waqtiyo kooban oo ay kasoo muqatay shaahadaha muuqaal baahiyaha.
Aqoonta; Sacdiyo waxa ay baratay oo ay jaamacadda ka daraaseesay kulliyadda Faculty of Humanities |department Social science Balse waxa ay dimloom(diploma) warfaafinta ah ka haystaa jaamacadda Umadda Soomaaliyeed taas oo ay yartahay inta jaaniska u heshay ee da’ yarta ee dhigatay.
Caqabad la’aani ma jirto intii ay ku jirtey shaqada warbaahinta oo waxa ay kala simantahay gabdhaha warfidiyeenka ka shaqeeya kuwaas oo la kulma culeesyo kala gadisan, kana kala imaanaya dhinacyo kala duwan sida hellidda xogta, goobta lagu shaqeynayo oo xilliyada qaar aanan si habboon usoo dhaweeneyn xirfadlayaasha saxaafadda ee gabdhaha ah, amniga iyo kuwa kaaga imaanaya shaqsiyaadka la shaqeeynaya mararka qaar.
Marka laga yimaado intaas oo dhan Dedaalkeeda wax qorista waxa ay kusoo bandhigtay tartanka Makaay Garaare Celi oo ahaa tartan ay soo qaban-qaabiyeen ururka isku-tagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (FESOJ) kaas dhex marayey gabdhaha weriyeyaasha ah ee ugu xirfadda wanaagsan, waxaana lagu abaal marinayey habka sheeko qorista, hufnaanta xaglaha uu weriyeha ka galayo sheekada iyo hab faneedka loo soo gudbinayo sheekada.
Dheggeysiga iyo falanqeynta sideed sheeko oo ay soo diyaariyeen hablo weriyeyaal ah ayaa ay kusoo baxday kaalinta koowaad Sacdiyo Nuur Ciid.
“Inaan ku guuleystey tartanka waa Waafajinta allaah, balse markii aan arkay shaacinta ah in la qabanayo tartan u gaar ah dumarka durbadiiba waan codsaday inyar kaddibna waxaa isoo gaartay fariin ah in codsigeyga la aqbalay. Rajadeydu ma xumeyn, markase loo fiiriyo gabdhaha kale ee ila tartamayay oo wada xul ahaa wey yara adkeyd xoogaa inaad filato kaalinta koowaad ee aan kusoo baxay oo aan isleeyahay kuma soo baxdeen haddii aadan dadaalin”. Ayey tiri Sacdiyo mar ay warbaahinta la hadleysay.
Waxey oga dhignayd rajo u rumowday iyo natiijada ka dhalatay waqti, tamar, maal iyo juhdiga badan oo ay galisay xirfadeyda.
Sacdiyo Nuur waxa ay kamid tahay tiro gabdho ah oo weriyeyaal kuwaas oo ay tababarro kala duwan ka helay Media women Network wax bandanna ka faa’iiday oo xirfadeyda sare y qaaday.
“Waxa ay inoo tahay guul iyo hormar iyo gabdho ku tartamay xirfadooda ay kasoo baxaan koox aan tababarnay, waxaana u rajeyneynaa Sacdiyo iyo hablaha kale ee warbaahinta ku jirta in ay laba jibaaraan aqoontooda iyo xirfadooda uguna adeegaan dadka aan codka lahayn iyo dhammaan bulshada” Gudoomiyaha MWN.
Sheeko: Guleystaha Tartanka Makaay Garaare.
527