Kismaayo: Haween ka faa’ideystay tababbar ku saabsanaa awoodsiinta maamulka warbaahinta

Tababbar ay ka faa’ideysteen laba iyo toban haween ah oo ka kala socday xarumaha warbaahinta iyo ururrada saxaafadda ayaa maanta (27-12-2022) lagu soo gabogabeeyey magaalada Kismaayo.

Media Women Network oo kaashanaysa hay’adaha IMS-FOJO ayaa fulisay tababbarka oo socday lama maalmood.
Tababbarkan oo ku saabsanaa awoodsiinta haweenka ee maamulka iyo hogaaminta warbaahinta ayaa qayb ka ah tababbarro taxane ah oo MWN sanadkan ay ka fulisay magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Amaal Carraale oo ah wakiillka MWN ee Jubbaland oo ka hadashay xiritaanka tababbarka ayaa sheegtay in muhiimadda barnaamijkan ay tahay in haweenku helaan aqoon korarsi ku saabsan maamulka, hogaaminta, sidii ay u samaysan lahaayeen qorshayaal, kor u qaadidda xirfadaha xiriirka, habka loo sameeyo wada xaajoodyada iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen go’aan gaarista howlaha warbaahinta.

“Muhiimadda waa in haweenka ka shaqeeya warbaahinta Jubbaland iyo kuwa soo galaya ay yeeshaan tayo buuxda oo maamul, isku fillaansho, kalsooni iyo inay ka dhex muuqdaan warbaahinta,” ayay tiri Amaal.

Haweenkan ayaa qaatay casharro ay ka mid yihiin astaamaha hogaamiyaha iyo maamulka wanaagsan laga rabo. waajibaadka hogaamiyaha wanaagsan iyo maamulka, awoodda xiriirka iyo dhageysiga, xirfadaha wada xaajoodka, xirfadaha dejinta qorshayaasha dhow iyo kuwa fog iyo inay bartaan naftoodda iyo awoodda qofeed.

Mid ka mid ah haweenka ka faa’ideystay tababbarka ayaa sheegtay inay ka heshay dhiirigalin ah inay hadasho oo ay wada xaajood la gasho maamulka xarunta warbaahinta ee ay ka shaqayso.

“Marki hore haddii boos bannaan yahay iyo haddii kale maba raadin jirin laakiin hadda waxaan billaabayaa in aan raadiyo”.

Gebogabadi tababbarka ayay ka qaybgalayaashu qaateen latalin iyo tababbarr  qof qof ah oo ku saabsanaa hormarinta xirfadeed ee qof kasta u gaarka ah.

Related posts

GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA