Kismaayo: Tababbar ku saabsanaa isbedelka cimilada oo loo qabtay 25 qof

Media Women Network oo kaashanaysa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM),  ayaa magaalada kismaayo ku soo gebogabaysay tababbar socday sedex beri, kaas oo ay ka faa’ideysteen 25 weriye oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta magaalada iyo shan  qof oo ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka.

Tababbarkan ayaa weriyayaasha lagu barayay tebinta sheekooyinka la xiriira  deegaanka iyo isbadalka cimilada iyo saamaynta uu ku yeeshay Soomaaliya.

Dadka tababbarka ka qaybgalay ayaa la siiyay casharro ku saabsan sida ay u soo gubin karaan xogaha isbadalka cimilada, sida ugu wanaagsan ee ay dadka u bari karnaa isbadalka cimilada, kor u qaadidda aqoonta deegaanka iyo mawduucyada la xiriira.

Agaasimaha waaxda kheyraadka dabiiciga ah ee wasaaradda deegaanka Mudane Maslax Mowlid Maxamed iyo agaasimaha waaxda wacyi galinta ee wasaaradda warfaafinta Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cismaan oo ka soo qaybgalay xiritaanki  tababbarka ayaa ku boorriyay weriyayaasha inay qaataan doorkooda wacygalineed ee ku aadan isbeddelka cimilada, si dadku uga war hayaan dhibaatooyinka ay sababtay isbeddelka cimilada iyo heerka kulka sii kululaanaya.

Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye oo ah madaxa mashaariicda ee MWN, ayaa sheegtay in ujeedka ugu wayn ee loo qabtay tababbarkan ay tahay in warbaahinta ay tebiso saamaynta nolaleed ee isbadalka cimiladu ku yeelatay dalka iyo nolasha aasaasiga ah ee dadka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay saamaysay isbedalka cimiliada, waxyaabaha ay sababtay waxaa ka mid ah heerka kulka oo sii kululaanaya, xilliyada roobka oo isbadalay, abaaro soo noqnoqda iyo waxyaabo kale oo badan.

Tababbarka oo 13-15 bishan November-2022 qabsoomay, ayaa qaar ka tirsan weriyayaashi ka qaybgalay ay sheegeen inay wax badan ka faa’ideen, hadda kadibna ay ku dari doonaan tebintooda maalin la ah.

Inta badan shacabka xog ku filan kama hayaan isbadelka cimilada iyo saamayntiisa, waana sababta keentay in ay nuglaadaan.

Related posts

GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA