Muqdisho: Weriyeyaal loo tababbaray Tabinta Sheekooyinka Isbeddelka Cimilada.

Media Women Network oo kaashaneysa UNSOM ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3-bisha November-2022,            35 weriye tababbar ugu soo xirtay magaalada Muqdisho. Tababbarkan oo socday sedex maalmood ayaa ku saabsanaa tebinta xogaha deegaanka iyo isbadelka cimilada.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ay sida aadka ah u saamaysay isbedelka cimilada. Waxaa ka dhashay  roob yari, abaaro soo noqnoqda ,daadad, barakac, sicir-barar, cunto yari iyo colaado, balse dadku kuma baraarugsana in dhibaatooyinak haysta ay sabab u tahay isbedelka cimilada, Warbaahinta iyo weriyeyaasha ayaana u tabin sidii loo baahnaa dhibaatooyinkan.

Sedexda beri ee uu socday tababbarka ayaa weriyayaasha lagu baray aas-aaska waxa uu yahay isbeddelka cimilada dhibta uu adduunka ku hayo, habka ugu wanaagsan ee ay u tebin karaan wararka isebedalka cimilada, sidii ay u raadin lahaayeen xogaha, waxaa kaloo loo hogo tusaaleeyey dhibaatooyinka hadda taagan ee ay sababtay cimilada iyo xogaha ay tahay in bannaanka  keenaan si dadku ugu diyaar garoobaan ama  in ay wax ka ogaadaan mawduucan.

Furitaanka tababarka waxaa daah furay madax ka kala socotay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, xafiiska arrimaha bulshada Madaxtooyada, Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada, ururada bulshada rayidka gaar ahaan arurrada ka shaqeeya arrimaha; deegaanka, haweenka iyo saxaafadda dhammaan waxa ay hoosta ka xarriiqeyn baahida loo qabo in warbaahinta ku foognaato arrimaha deegaanka iyo hawada sii kululaaneysa si bulshada wax badan oga fahmaan.

Participants

Badi ka qeyb-galayaashu waxa u isla garteyn in ay tabiyaan abaaro, fatahaado iyo dhibaatooyin kale balse aysan u rumeysneyn in ay qeyb ka yihiin isbeddelka cimilada ee adduun aafeeyey. Qaar ka tirsan weriyayaasha qaatay tababbarka ayaa sheegay in aqoonta ay ka barteen ku dari doonaan shaqooyinkooda maalinla ah.

Xiritaanka tababbarkan waxaa si fogaan arag oga qeyb gashay Valerie Msoka oo ah Ku-xigeenka Madaxa Isgaadhsiinta iyo Kooxda Arrimaha Dadweynaha ee UNSOM, waxay uga mahad celisay ka faa’iideystayaasha tababbarkan ka soo qayb galkooda, Waxay sheegtay in UNSOM ay muhiimad u leedahay ka shaqaynta arrimaha isbadalka cimilada maadaama uu yahay mawduuc saamayn ku leh guud ahaan nolasha dadka.

Waxay weriyayaasha kula dardaarantahay inay raadiyaan xogaha qarsoon ee la xiriira isbadelka cimiliada si dadku u fahmaan in dhibaatooyinka haysta ay qayb wayn ka tahay.

Waxaa sidoo kale xiritaanka ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedalka cimilida Dr Siciid Maxamed Cali oo sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin in warbaahinta ay kala shaqeeyaan arrimaha ku saabsan isbedelka cimilada  maadaama ay saamayn ku leedahay guud ahaan nolasha dhaqaalaha. “

Ugu dambayn Kaafiyo Cabdullaahi Naalyeeye oo ah madaxa barnaamijyada ee Media Women Network oo ka hadashay xiritaanka ayaa sheegtay in markii ay arkeen dhibaatooyinka ay sababtay isbedlka cimilada isla markaana xogta laga helaa ay yartahay ay go’aansadeen in weriyayaasha loo tababbaro tebinta arrimahan.

Related posts

GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA