Muqdishu: Soddon ardey oo loo qabtay aqoon-iswaydaaris ku fursadaha ka bannaan warbaahinta

Media Women Network ayaa maanta (6-Oct-2022) 30 arday oo tirsan ardayda dhigta iyo kuwa sanadkan billaabaya  kulliyadda Culuumta Bulshada ee jaamacadda Ummadda qaybta warbaahinta u soo xirtay aqoon iswaydaarsi ku saabsan fursadaha ka dhex jira warbaahinta qaybaheeda kala duwan, anshaxa saxaafadda iyo xallinta khilaafaadka.

Muhiimadda uu u leeyahay barnaamijkan ardeyda ayaa ah inay fahmaan fursadaha dihin ee ka dhex jira saxaafadda si ay ula yimaaddaan hal abuur ay uga faa’ideysan karaan aqoontooda.

Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye oo ah madaxa Mashaariicda ee Media Women Network oo bixinaysay casharrada ayaa sheegtay in u jeeddada laga leeyahay ay tahay in ardayda ay fahmaan fursadaha muhiimka ah ee ay leeyihiin barashada warbaahinta iyo isgaarsiinta dadweynaha ( Journalism and Mass communication).

Ardayda oo qaarkood ka hadlay aqoon-iswaydaarsiga ay siisay Media Women Network ayaa sheegey in ay ka faa’ideen fursadaha ah suuqa uga bannaan faham fiicanna ay ka qaateen anshaxa saxaafada.

Aqoon iswaydaarsiga oo qabsoomay 5-6 bishan October ayaa ardeyda loo bidhaamiyay fursdaha ganacsi ee ay hal aburka ka samayn karaan marka laga hadalayo saxaafadda dalka ka jirta oo aan horay uga faa’ideysan fursadahan.

Kulanka aqoon-iswaydaarsiga oo ka dhacay xarunta jaamacadda ee magaalada Muqdishu ayaa ardeyda qaarkood sheegeen inay samaynayaan qorshayaal ay ku doonayaan inay ku abuurtaan fursado shaqo oo ay leeyihiin.

Barnaamijkan ayaa billow u ah tababbarro iyo aqoon-iswaydaarsi ay Media Women Network u qorshaysay inay u qabato ardeyda kulliyadda saxaafadda ee jaamacadaha, si ay xog uga helaan guud ahaan fursadaha ka bannaan suuqa.

Related posts

GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA