Soomaalia: Xaalad noocee ah ayay ku shaqeeyaan weriyayaasha

Ka shaqeynta soo gudbinta xogta iyo warka wuxuu noqon karaa shaqo khatar ah haddii aad ka
soo horjeedo kuwa awoodda leh, cilmibaarisyaduna sidaas oo kale ayey sheegayaan. Celcelis
ahaan, hal wariye ayaa la dilay 4-tii maalmoodba tobankii sano ee la soo dhaafay guud ahaan
caalamka.

Qaar badan oo ka mid ah saxafiyiintan ayaa lagu dilay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo
dhibaatooyin amni oo ay Soomaaliya kamid tahay. In ka badan 12,000 oo saxafiyiin ah ayaa la
dilay intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020 iyaga oo shaqadooda gudanayay sida ay tabineyso
hay’adda UNESCO.

Hay’addaan oo ururisa xogta saxafiyiinta la dilay ayaa sheegtay in gacan-ku-dhiiglayaasha ay si
xor ah u socdaa ama u noolyihiin 9 ka mid ah 10 kiis. Tirakoobyadani ayaa muujinaya
xorriyadda la’aanta warbaahinta.

Si kor loogu qaado wacyiga iyo qaabaynta habka looga hortagayo dhacdooyinkan, Golaha
Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 2-da November maalinta caalamiga ah ee
joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah weriyayaasha.

Qaraarkan oo soo baxay sanadkii 2013-kii,kaliya ma cambaareynayo dhammaan weerarrada
dilka ah ee ka dhanka ah saxafiyiinta balse wuxuu sidoo kale ku boorrinayaa dhammaan
waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey inay suxufiyiinta ka ilaaliyaan khataraha
noloshooda iyo in la hubiyo in dhibanayaashu ay helaan daryeelka loo baahan yahay.

Sido kale waxa uu qaraarkan codsanaya in dowladuhu u ogolaadaan wariyeyaasha inay
tabinayaan xogaaha, iyada oo la siinayo degaan nabad ah si ay u gutaan shaqadooda caadiga ah
nooc kasta oo tahay iyada oo ay faragalin lagu ahayn.

Sannadkan, maalinta caalamiga ah ee joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah
suxufiyiinta waxay diiradda saareysaa adeegyada xeer ilaalinta iyo maxkamadaha, taas oo looga
gol-leeyahay in si qoto dheer loo eego baadhista iyo dacwaynta dhammaan falalka ka dhanka
wariyeyaasha sida hanjabaadaha rabshadaha, afduubka, jirdilka, dhibaataynta, iyo dhibaataynta
internetka ah ee loo geysto saxafiyiinta, balse aan diirradda la saarin dilalka qorsheesan oo kaliya.

Caqabadaha u gaarka ee ay la kulmaan dhowrkii sano u dambeyey wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa iskugu jira kuwa kaga yimaadda maamullada ka taliya goobaha ay ka shaqeeyaan, xarumaha ay ka shaqeeyaan oo mararka qaar ma helaan mushaharaadkoodii caadiga ahaa iyo in aan loo tixgalin duruufaha haysta.

Waxaa adag helista wararka xarumaha maamulka dowladda taas culeys ku ah shaqada weriyaha
ka sokow la harjadka deegaanka iyo amni darrida ay ku shaqeyaan.

Gabadhaha weriyayaasha ah ayaa ah kuwa ugu badan ee lagu dhibaateeyo dhanka internetka, iyada
lagu tilmaamayo in ay tahay nooc kamid xad-gudubyada kufsiga.

dhibaatooyinkaas waxay caqabad ku tahay shaqada weriyaha waxayna abuuraan jawi aan afkaarta
iyo hadalku si xor ah ugu socon karin. Tani waa sababta maalintan oo kale looga baahan yahay si
loo ilaaliyo loona xoojiyo xirfadlayaasha warbaahinta adduunka oo dhan.

Related posts

FESOJ and MWN has Commemorated the International Day of Zero Tolerance for FGM

Barakaca ka dhashay isbedalka cimilada ma sababi karaa tacaddiyada haweenka iyo gabdhaha yaryar.

SMSJ has remembered the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists (IDEI) – 2022.