TABABAR KU SAABSAN HOGGAAMINTA WARBAAHINTA OO LOO QABTAY 12 HAWEEN AH OO WERIYAYAAL AH

Garoowe, 4-5 April, 2021: Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta lagu soo gabogabeyay tababar socday labo maalmood oo lagu baranayey hoggaaminta Warbaahinta, kaasoo loo qabtay 12-haween ah  oo ka howlgala xarumaha Warbaahinta Garowe.

Tababarkan waxaa iska kaashanayey hay’adaha Media Women Network iyo IMS-FOJO, waxaanna diiradda lagu saarayey tababarka awoodsiinta Gabdhaha weriyayaasha ah, si ay door wanaagsan ugu yeeshaan hoggaaminta qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, iyadoo kor loo qaadayo xirfadahooda hoggaaminta, wada xaajoodyada, wada hadalka, maamulka iyo maaraynta shaqada warbaahinta.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane oo khudbad ka jeediyey xiritaanka tababarka ayaa ku bogaadiyey Media Women Network dadaallada joogtada ah ee ku qotoma kor u qaadidda tayada iyo xirfadda Gabdhaha weriyeyaasha ah, si ay qeyb uga noqdaan hoggaaminta xurumaha warbaahinta.

“Waxaan dhiirrigelinaynaa aqoon is waydaarsigan ku saabsan xoojinta doorka hoggaamineed ee Gabdhaha weriyeyaasha ah. MAP ahaan waxaan u taaganahay in Gabdhuhu kaalin ku yeeshaan hoggaaminta warbaahinta, ogaadanna si kasta oo qofka loo caawiyo, haddii aysan jirin ka go’naasho dhankiisa ah, macno badan u samayn mayso caawimaaddu,” sidaa waxaa yiri guddoomiye Maxamed Daahir Caynsane.

Dhanka kale, Faadumo Ladan oo ka mid ah gabdhihi ka faa’iideystay tababarkan ayaa sheegtay in uu wax badan ka bedelay tababarka xirfadeeda warbaahineed, iyadoo xustay in hadda ay ku han weyntahay in door muuqda ay ku yeelato hoggaaminta qeybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah barnaamijyo dhowr ah oo ay Media Women Network, kor ugu qaadeyso tayada aqooneed ee gabdhaha weriyeyaasha ah, gaar ahaan xirfadaha hoggaaminta, maamulka, wada xaajoodyada iyo xallinta khilaafyada  oo lagu qaban doona  qaar ka tirsan  magaalooyinka waaweyn ee dalka.

 

 

Related posts

GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA