Taxanaha COVID19: Saamaynta COVID19-ku ku yeeshay haweenka weriyayaasha ah

Toddobaadkan waxaan qabannay qaybta labaad ee taxanaha barnaamijka COVID19-ka oo ku saabsanaa saamaynta COVID19-ku yeeshay haweenka weriyayaasha ah.
Barnaamijka Waxaa ka qaybgalay Wardasagal Axmed Rooble oo ah khabiir warbaahineed iyo tababare saxaafadeed. Xalimo Sacdiyo oo in mudda ah ka shaqaynaysay warbaahinta hadana la shaqaysa BBC media Action. Maymuun Cabdirisaaq Khaliif oo ah agaasimaha Waaciye TV. Laylo Cabdi Maxamed oo ah soosaare ka tirsan idaacadda Ergo.
COVID19-ka ayaa siyaabo kala duwan u saameeyey haweenka weriyayaasha ah sida socdaalka, kuwa wardoonayaasha, agaasimahayaasha iyo kuwa shaqaalaha ah. Haddaba halkan ka dhegeyso barnaamijka oo ay xiriirnayo Fowzia Cumar Barre.

Related posts

Barakaca ka dhashay isbedalka cimilada ma sababi karaa tacaddiyada haweenka iyo gabdhaha yaryar.

Muqdisho: Waxaa maanta qabuuraha xoogga dalka lagu aasay weriye Maxamed Ciise Koonaa

GAROOWE: WAREYSI KU SAABSAN SIDA AY XOGTA KU HELAAN WARIYEYAASHA