Garoowe: TABABAR KOR LOOGU QAADAYO XIRFADDA GABDHAHA WERIYEYAASHA AH OO LAGU QABTAY GAROWE

Garowe, 17- October, 2019: Tababar ay ka qeyb-gelayaan 12 gabdhood oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee warbaahinta laguna baranayo kor u qaadidda xirfadda gabdhaha weriyeyaasha ah si ay ugu biiraan maamulka iyo maareynta warbaahinta ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Tababarka oo ay qabanayso Media Women Network oo taageero ka helaysa hay’adaha IMS iyo FOJO, ayaa waxaa lagu baran doona hoggaaminta, maareynta warbaahinta, isku dheelitirka shaqada warbaahinta ee lab iyo dhedig, horumarinta qorsheyaash, dejinta siyaasado ka tarjumaya sinnaanta shaqada dhexdeeda, maamulidda dadka, xirafadaha wada hadalka iyo wada xaajoodyada.

Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Naciimo Muuse Dallaf oo hadal ka jeedisay furitaanka tababarka ayaa sheegtay in haweenku ay hogaamin karaa qayb kasta oo loo dhiibo balse ay u bahaan yihiin in la siiyo fursad ay awooddooda ku soo bandhigaan.

“Hoggaamintu waa wax loo siman yahay rag iyo dumar, waxayna ku xiratay sida qof  walba uga faa’iideysto kartidiisa iyo aqoontiisa, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad doorkiina muujisaan si aad hormuud ugu noqotaan gabadhaha kale” sidaas waxa tiri Naciima Muse Dallaf  Xoghaya  Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP.

Sido kale, Nimco Xasan Bakaal oo ka ka tirsanayd ka qayb galeaaasha tababarka ka faa’iideystay ayaa sheegtay in tababarka uu ku soo aadday xilli baahi weyn loo qabay in isbedel dhab ah laga sameeyo hannaanka ay u shaqeeyaan xarumaha hoggaanka warbaahinta.

“Tababarkan wuxuu aniga ii yahay fursad dahabi ah, waxaana rajaynayaa in wax uu ka bedeli doona xirfadayda shaqo iyo hamiga fog ee aan ka leeyahay in aan maamulo warbaahinta, waxyaabaha aan sida gaarka ah, uga helay waxa ka mid ah kalsooni, aqoon iyo xirfad,” sidaa waxaa tiri Nimco Xasan Bakaal.

Media Women Network oo ka duuleyso qorsheyaasha hormarineed ee awoodsiinta haweenka  ayaa dadaal muuqda ku bixinayso sidii ay kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta, jiheynta shaqada, maamulka iyo maareynta Warbaahinta.

Related posts

GABDHO WERIYEYAAL AH OO LOO TABABBARAY MAALMULKA IYO MAAREYNTA WARBAAHINTA.

WERIYEYAASHA 6- MAGAALO OO FURSAD U HELAY BARASHADA HABKA LOOGA WARRAMO WARARKA MAXKAMADAHA.

JOWHAR: SIDEE WARBAAHINTU KU HELI KARTAA SHEEKOOYINKA GARSOORKA UNA GAARSIIN KARTAA DADKA